Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Waare Oo Jowhar Ku Qaabilay Saraakiil Ka Socotay UN-ka Kana Wada Hadlay Caawinta Dadka Abaartu Ay Saameysay “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Waare Oo Jowhar Ku Qaabilay Saraakiil Ka Socotay UN-ka Kana Wada Hadlay Caawinta Dadka Abaartu Ay Saameysay “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Ku Qaabilay saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay oo booqasho ku yimid Halkani, iyagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin wax ka qabashada baahiyaha ka jira Hirshabelle oo ugu horeyso Abaarta iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen QM horumarinta iyo dib u dhiska Hirshabelle.

Saraakiishani Ka Socday Qaramada Midoobay ayaa waxaa Hogaaminayay Madaxa Xafiiska UN-ka ee Hirshabelle Benjamin, Waxaana Madaxweynaha Kulanka Ku Wehlinayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle,Wasiir Ku Xigeenka Amniga,Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Ammaanka, iyo La Tiliyeyaal Sare.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Madaxweyne Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka dhagaystay warbixin ku saabsan howlaha uu qabto xafiiska Qaramada Midoobay ee Hirshabelle Madaxa Xafiiskaasi Mudane Benjamin waxana ay u faah faahiyay howlaha ay ka qabtaan Hirshabelle iyo waxyaabaha horyaala in ay wax ka qabtaan sida Caawimaada dadka abaartu ay saameysay, horumarinta Kaabayaasha Dowladda, Dib u dhiska Deegaanada Hirshabelle, arrimaha Caafimaadka iyo waxbarashada.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa ka hadlay sida lagama maarmaanka ay u tahay wanaajinta iyo xoojinta xiriirka kala dhexeeya hey’adaha Qaramada Midoobay, waxaana uu ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Maamulka, islamarkaana looga jawaabi lahaa baahiyaha Deg-dega ee soo food saara Bulshada Hirshabelle, waxaana uu ka dalbaday in looga fadhiyo in ay ka jawaabaan Abaarta ka jirta deegaannada Hirshabelle islamarkaana ay caawiyaan dadka ay saameysay abaarta oo ay ugu darantahay Biyo la’aanta..

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in bulshada loo bandhigo waxqabad muuqda oo ay ku qanci karaan taasina looga baahanyahay in UN-ka uu ka shaqeeyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo ay u soo gudbin doonto Dowladda Hirshabelle, waxaana ay balanqaadeen saraakiishaasi fulinta waxyaabaha uu ka hadlay Madaxweynaha.

Kulankan ayaa qeyb ka dadaalada Madaxweynaha Hirshabelle uu ku doonayo horumarinta Dowlad goboleedka Hirshabelle, iyadoo mudada uu joogo madaxweynaha la qabtay howla badan oo muhiim u ah Heykalka Dowladnimo ayna bilowdeen Mashaariicyo horumarineed taasi oo ay soo dhoweeyeen Bulshada.

— DHAMAAD–

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle

Directorate Of Media & Public Relation Office Of The President Hirshabeelle State Of Somalia

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Nairobi kula kulmay dhiggiisa Dowladda Kenya “Sawirro”

Next Post

Xarunta Dawladda Hoose oo lagu qabtay Munaasabad lagu soo gaba-gabeynayay maalinta Haweenka

Next Post
Xarunta Dawladda Hoose oo lagu qabtay Munaasabad lagu soo gaba-gabeynayay maalinta Haweenka

Xarunta Dawladda Hoose oo lagu qabtay Munaasabad lagu soo gaba-gabeynayay maalinta Haweenka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In