Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida xalay ku timid Bashiir Xusseen Dhoore oo horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenkii maamulka iyo maaaliyada degmada Beledweyne, kana mid ahaa Aqoonyahannada gobolka Hiiraan oo xalay ugu geeriyooday magaalada Beledweyne xanuun deg deg ah oo la soo darsay.
“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Hirshabelle, iyo gaar ahaan qoyska iyo ehelada uu ka tagay marxuum Bashiir Xuseen Dhoore , waxa uu ahaa shaqsi u huray naftiisa u adeegida Qaranka, waxaana lagu xusuustaa doorkii Shariifka ahaa ee ka shaqeynta arrimaha Bulshada” Ayuu Yiri Madaxweyne Waare.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa yiri. “Waxaan Eebe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskiisana Samir iyo imaan uu ka siiyo.
Allaha u naxariistee Bashiir Xuseen Dhoore ayaa ahaa Aqoonyahan wax badan ka shaqeeyay Horumarinta arrimaha Bulshada iyo isku xirka Ururada Bulshada Rayidka ah.