Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Waare oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo Dadka ku nool Deegaanada Hirshabeelle

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Waare oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo Dadka ku nool Deegaanada Hirshabeelle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta dib ugu soo laabtay, markuu safar wada tashi ah kuna saabsanaa arrimaha ammaanka uu lasoo qaatay madaxda Dowladda jabuuti.

Madaxweynaha oo Β kulamo la qaatay qaar ka mid ah xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamanka federaalka u matala maamulkaasi iyo kuwa Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa sidoo kale warbxinno ka dhagaystay mudanayaasha uu kulanka la qaatay.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Mudane; Waare ayaa ka war bixiyay kulamo uu Jabuuti kula soo qaatay madaxda Dalkaasi, isagoo sheegay inay ka wada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada lagu baacsanaya Al-shabaab , furitaanka Jidadka iyo sidii laysaga kaashan lahaa nabadaynta degaannada Hirshabeelle.

Arriamaha Bini’aaddannimada ayuu sheegay inay u baahan tahay in wax laga qabto, isagoo culeyska labaadna ku tilmaamay gurista Webiga Shabeelle , Ceelasha oo fogaaday iyo xaalado abaareed oo halkaasi ka jira, taasoo saamayn ballaadhan ku yeelatay nolosha Dadka.

Madaxweyne Waare ayaa dowladda federaalka iyo deeq bixiyeyaasha Caalamka ka codsaday inay gacan buuxda ka geystaan samata bixinta dadka ku tabaalaysan Dhulka Hirshabeelle iyo sidii gurmad Biyo dhaamis ah loogu samayn lahaa.

Mudane; Waare ayaa ku tilmaamay baahida jirta mid iyaga Gacantooda ka weyn , wuxuuna sheegay inay Dowladda federaalka Soomaaliya kaalin lixaad leh ka gaysato, sidoo kalan ay doorkooda ka qaataan Hay’adaha samafalka.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Labada Aqal ee Dowladda dhexe iyo kuwa maamulka Hirshabeelle ayaa ka war bixiyay heerka ay imminka marayso xaaladda amni ee degaannada Hirshabeelle iyo arrimaha Bini’aadannimo ee halkaasi ka taagan, waxanay sheegeen inay muhiim tahay inay u wada istaagaan Dowladda federaalka, maamulka Hirshabeelle iyo sama falayaasha Caalamka.

Previous Post

Wasiirka Difaaca XFS oo tababar u soo xiray Ciidan ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Heshiis iskaashi ah la saxiixatay dhigeeda dalka Suudaan+(Sawirro)

Next Post
Wasiirka Caafimaadka XFS oo Heshiis iskaashi ah la saxiixatay dhigeeda dalka Suudaan+(Sawirro)

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Heshiis iskaashi ah la saxiixatay dhigeeda dalka Suudaan+(Sawirro)

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In