Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabelle oo QM kala hadlay in la caawiyo Dadka ka barakacay fatahaadda Webiga Shabeelle

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabelle oo QM kala hadlay in la caawiyo Dadka ka barakacay fatahaadda Webiga Shabeelle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle , Maxamed Cabdi Waare ayaa Shalay kulan ballaaran la qaatay maamulka Gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah Saraakiisha Qaramada midoobay.

Kulankan ayaa lagu gorfeeyay sidii caawimaad deg deg ah loo gaarsiin lahaa Dadkii dhawaan ka bara baxay fatahaadda Webiga Shabeelle ee ka dhacday Magaalada Baladweyne , kuwaasoo tiradooda lagu qiyaasay 4,500 Qoys.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cabdulahi Axmed Maalin ayaa  madaxda ka qeyb gashay kulanka u sheegay in Dad badan ay u baro kaceen duleedka Magaalada, islamarkaana ay u baahan yihiin gar gaar deg deg ah.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay in Kumanaanka Qoys ee halkaasi gaaray ayan haysan wax Agab ah oo ka saacidaya xagga nilisha iyo inay halkaasi ku sii nagaadaan, isagoo xusay inay Biyaha Webiguna marba marka ka dambaysa sii kordhayaan loona baahan baahan yahay inay hay’aduhu doorkooda Bini’aaddannimo qaataan.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle, Mudane; Maxamed Cabdi Waare ayaa gabagabadii ka dalbaday  Dowladda Federaalka Soomaaliya, ha’yaddaha sama-falka, ganacsatada, iyo qurbo joogta reer Hiiraan,  inay door ka qaataan sidii gurmadyo kala duwan loo gaarsiin lahaa Dadka ku dhibaateysan daafaha Magaalada.

 Ibrahim Muxumad Geeddi

Previous Post

Dhageyso: Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dowlada Shiinaha oo amar dul dhigtay  beeralayda Dalka Maraykanka

Next Post
Dowlada Shiinaha oo amar dul dhigtay  beeralayda Dalka Maraykanka

Dowlada Shiinaha oo amar dul dhigtay  beeralayda Dalka Maraykanka

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In