Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Waare oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo Jowhar Gaaray+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Waare oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo Jowhar Gaaray+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Dowlada Federalka Soomaaliya Eng Saadaq Cabdullahi Cabdi ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar.

Wafdigaan uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada howlaha Guud iyo Guryeynta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa waxaa caasimadda Hirshabeelle, kuwaasoo soo dhoweeyay Wasiiro,xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Sh/dhexe.

Related posts

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026

Booqashada wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Dowlada Federalka ayaa lagu sheegay inay tahay qiimeynta baahida guud ee dib u dhiska Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdiga uu hogaaminayo wasiirka howlaha guud iyo guryeynta ayaa waxa ay ka wadahadleen sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa wadooyinka iyo dhismayaashii dowlada ee ku yaal dowlad goboleedka Hirshabelle.

Wasiirka Howlaha guud iyo guryeynta dowlad goboleedka Hirshabelle Jaamac Xuseen Xaashi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada wasiirka howlaha guud iyo guryeynta dowlada federalka uuna rajeynayo in dib u dhis lagu sameeyo deegaanada Hirshabelle.

Sidoo kale Wasiirka Howlaha guud iyo guryeynta dowlada federaalka Eng: Saadaq ayaa sheegay booqashada ay ku yimaadeen caasimada Hirshabele inay la xiriirto sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa baahiyada ka jira.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in iskaashi ka sameyn doonaan Wasaaradaha howlaha guud ee ka jira dowlad goboleedyada dalka iyo wasaarada howlaha guud ee dowlada Federaalka Soomaaliya.

Booqashada wasiirka howlaha guud iyo guryeynta dowlada federalka ayaa booqashadan uu ku tegey magaalada Jowhar ay tahay tii ugu horeysay waxaana maalmaha soo socoda uu joogi doonaa magaalada Jowhar.

Hase yeeshee, Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryeynta ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in lagu dayactiro wadooyinka ku burburay dagaalada sokeeye ee HIrshabelle.

Previous Post

Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug oo kormeeray Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Dhuusamareeb+Sawirro

Next Post

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo Ka tacsiyeysay geerida Marxuum Osman Abshir Egal Yay

Next Post
Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo Ka tacsiyeysay geerida Marxuum Osman Abshir Egal Yay

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo Ka tacsiyeysay geerida Marxuum Osman Abshir Egal Yay

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
0

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee BJFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

August 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar ahna Wasiirka Difaaca Mudane Sheekh...

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

August 31, 2026
0

Muqdisho, 31 Agoosto 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeeray deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In