Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan “Bulshada ayaa go’aamin doonto aayaha dalka ee 2016-ka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 22, 2015
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyaa Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay go’aan ka gaari doonaan aayaha dalka iyo doorashooyinka 2016, isagoo ku baaqy in la adkeeyo midnimada Ummadda.

Madaxweynaha oo shir jaraa’id u qabtay saxaafadda ayaa bogaadiyay wadatashiyadii ka dhacay qaar ka mid ah gobollada ee looga hadlayay aayaha dalka, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in bulshada ay yihiin kuwa go’aan ka gaaraya aayaha 2016-ka.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

“Labo waddo ayaa noo furan, tan koowaad waxa ay tahay Muqdisho ayaan joognaa ee aan dhahno halkan halagu qabto talada kale ee aayaha dalka oo aan wada gaarno go’aan, tan labaad waxa ay tahay Muqdisho oo kaliya ma ahan dalka, dalka wuu balaaranyahay ee bulshada inteeda kale haloo geeyo talada, oo aan wada gaarno go’aan mid ah, wadatashiga wadada loo marayo haka taliyeen, midda ay u bataana taladeeda iyo go’aan ka gaaristeeda iyo dowladnimada cusub go’aan haka gaareen” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in ay muhiimtahay ahmiyada ay bulshada u leedahay in ay noqdaan kuwa midnimada ka shaqeeya, waxaana uu intaa ku daray in wadatashiyadii ka dhacay gobolada dalka iyo caasimadda ay muujineyso inay jirto midnimo siyaasadeed.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed ku bogaadinayaa, iyo maamulada heer federal iyo heer gobol inaan sii xoojinayo midnimada oo aan hal far wax ku wada maamulno, wixii yar yare e jirana aan u xalino si hoose, amuuraha heer Qaran oo dhan waxaan u wajahaynaa anagoo mid ah” ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Previous Post

Shirka Wadatashiga Hindise Sharciyeedka xisbiyada oo galay maalintii labaad

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo ku baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan Gaalkacyo

Next Post
Wasaaradda Arrimaha gudaha oo furtay shir looga tashanayo sharciyada xisbiyada siyaasadeed “SAWIRRO”

Wasiirka arrimaha gudaha oo ku baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan Gaalkacyo

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In