Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan” dhowaan waxaa la soo dhisi doonaa xukuumad loo dhan yahay”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo guul ku tilmaamay shirka IGAD
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay soo dhaweryntii Madaxweyne Erdogan maalintii shalay loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho ugu mahadceliyay sida ay ugu dul qaateen culesyadii jiray mudadii booqashada Madaxweyne Erdogan iyo wefdigiisa ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale u mahadceliyay Ciidamada nabadgeliyada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM sida ay u sugeen amaanka magaalada Muqdisho mudadii ay martida joogtay dalka,isagoo faray in ay sii laba laabaan dadaalada lagu xaqiijinaayo amaanka dalka,Madaxweynuhu waxaa uu Ciidamada ku amaanay sida ay ugu hortagayaan falalka guracan ee ay markasta qorsheynayaan kooxaha nabad diidka ah ee Al-shabaab.

“Aniga Madaxweynaha Turkiga arrimaha aan ka wada hadalnay waxaa ku jira in la sameeyo guddiyo ka shaqeeya hirgelinta heshiisyada la wada saxiixday, waxaan sidoo kale isla soo qaadnay in Turkiga uu ka caawiyo Soomaaliya dhismaha dowladnimada” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dhowaan heshiisyo kale oo cusub ay labada dhinac wada saxiixi doonaan isla markaana labada dalka ay ka wada shaqeyn doonaan masaalixda iyo danaha labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in booqashadii Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu shalay ku yimid dalka ay wax badan kaga duwan tahay tii sanadkii 2011-ka taas oo ay sabab u tahay dalka uusan maanta joogin meeshii sanadkaas uu joogay,isagoo intaa ku daray in Madaxweyne Erdogan uu ku farxay isbedelka wadanka uu sameeyay mudadaas kooban.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id waxaa uu ku sheegay in dhowaan la soo dhisi doono xukuumad cusub oo ay ku wada jiraan dhamaan dhinacyada Soomaalida.

“Xukuumad ayaa la soo dhisi doonaa dadka oo dhan ma wada heli doonaan waxaan codsanayaa in dhamaanteena aan la shaqeyno xukuumada si dalka looga dhaqaajiyo meesha uu hadda taagan yahay isla markaana looga faa’ideysto waqtiga” ayuu sheegay Xasan Sheekh Maxamauud Madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhamaan siyaasiyiinta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed isu tanaazul iyo is cafin si loo gaaro dan aan wada leenahay oo ah dowladnimo taam ah.

Previous Post

DAAWO-khudbadaha labada Madaxweyne ay jeediyeen shalay iyo guud ahaan safarkii Ordogaan.

Next Post

Real Madrid oo Kooxda Cruzeiro Kala Soo Wareegtay Ciyaaryahan Lucas Silva “SAWIRRO”

Next Post
Real Madrid oo Kooxda Cruzeiro Kala Soo Wareegtay Ciyaaryahan Lucas Silva “SAWIRRO”

Real Madrid oo Kooxda Cruzeiro Kala Soo Wareegtay Ciyaaryahan Lucas Silva “SAWIRRO”

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In