Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Sawir Hore

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu dhawaan dalka Masar uga qeyb galay shir looga hadlayay dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Madaxweyne Xasan iyo wafdiga la socda waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo saraakiil ciidan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweynaha oo ka mid ahaa madax kala duwan oo shirka lagu casuumey ayaa ugu horeyn khudbad uu halkaasi ka jeediyay ku ammaaney Masar dhabbaha ay hayso ee dhinaca qaabeynta mustaqbalka dhaqaalaha dalka oo uu sheegay inay ka faa’iidi doonaan Waddamada Carabta iyo Qaaradda Afrika.

“Waa muhiim in waddamadeena ay horumariyaan siyaasad qeexan oo lagama maarmaan u ah kobcinta maalgashiga shisheeye iyo kan gudaha, waxayna taasi kaalin muuqata ka qaadaneysaa dhaqaalaha oo kordha. Waxaan dhammaanteen halkan isugu nimid inaan isweydaarsano fikrado la xiriira qaabka aan himiladaasi ku gaaro karno iyo inaan ka sii taxaddarno caqabadaha naga hor imaan kara iyo sida looga gudbi karo’’ ayuu yiri Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa dalka Masar waxaa uu khudbad ka jeediyay shirkaasi ku saabsanaa dhaqaalaha Masar, isagoo sidoo kale kulamo la qaatey Madaxweynaha Masar, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Madaxweynaha Maamulka Falastiiniyiinta, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta iyo wufuud kale.

Xubnaha wafdiga madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada Isgaarsiinta, Guuleed Xuseen Qaasim, Batroolka, Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Khaalid Cumar Cali iyo Wasiir ku Xigeenka Qorsheynta Cabdullaahi Sheekh Cali, ayaa iyaguna waxay kulamo muhiim ah la qaateen wasiiro iyo madaxda shirkado caalami ah,iyagoo ka wadahadley horumarinta iyo maalgashiga Soomaaliya.

Previous Post

Howlgallo tiro dad ah lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay Luuq

Next Post

Wasiirka Wasaaradda Haweenka oo Mareykanka uga qeyb galaysa shir caalami ah

Next Post
Xadgudubyada ka dhanka ah dumarka oo laga hadlay

Wasiirka Wasaaradda Haweenka oo Mareykanka uga qeyb galaysa shir caalami ah

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In