Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan oo baaq u jeediyay shacabka iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Baay, halkaasi oo lagu qabtay Xafladda caleema saarka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan midnimada bulshada halkaasi wada degta.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga uu hogaaminayo oo isugu jira xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Hogaamiye ku-xigeenka Maamulka KMG ah ee Jubba, Wakiilo ka socday Puntland, wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Mid ka mid ah ergada soo dhistay Maamulka oo goobta hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay in maanta Baydhabo lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Wakiilada beesha caalamka ee xafladda caleemo saarka ka qeyb galay ayaa ugu horeyn u mahadceliyay dowladda Soomaaliya dadaallada ay ugu jirto hirgelinta Nidaamka Federaalka ah, iyagoo xusay in ay Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay garab istaagi doonaan.

Siyaasiga Cali Maxamed Geeddi oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay tani u tahay guul taariikhi ah, oo u horseedeysa in sanadka 2016-ka uu dalka ka dhaco doorasho xor ah oo ay shacabka ka wada qeyb galaan.

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ku hadlayay magaca mudanayaasha baarlamaanka ayaa ka sheekeeyay taariikhda uu soo maray dhismaha maamulka Koonkur Galbeed, isla markaana ay soo dhaweynayaan hogaanka cusub ee ay maamulkaasi doorteen.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya mudane Shariid Xasan Sheekh Aadan oo xafladda lagu caleemo saarayay ka hadlay ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiintii ka soo qayb gashay xafladda, waxaana uu intaa ku daray in uu la shaqeyn doono maamul gobolleedyada dalka ka dhisan iyo dowladda Federaalka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gabo gabadii xafladda ka hadlay ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan saddexda gobol ee uu ka koobanyahay maamulka Koonfur Galbeed ee dalka inay ilaaliyaan midnimada, isla markaana ay la shaqeeyaan hogaanka cusub.

Madaxweyne Xasan ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya uu xoojiyo la dagaalanka argagixisada ah ee Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya meelo ka mid ah deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, si Al-Shabaab looga cirib tiri guud ahaan dalka.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa 17-kii bshii November loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha koonfur galbeed ee Soomaaliya oo ka kooban gobollada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, kaasi oo xilka hayn doono muddo afar sano ah.

Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta gelinkii dambe dib ugu soo laabtay Muqdisho.

DSC09563 DSC09564 DSC09565 DSC09566 DSC09567 DSC09568 DSC09569 DSC09570 DSC09571 DSC09573 DSC09574 DSC09575 DSC09576 DSC09578 DSC09579 DSC09581 DSC09582 DSC09583 DSC09584 DSC09585 DSC09586 DSC09587 DSC09588 DSC09589 DSC09590

Previous Post

Dood cilmiyeed ku saabsan ilaalinta deegaanka oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda SIMAD “SAWIRRO”

Next Post

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Oo u hambalyeeyay hogaamiyaha cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed 

Next Post

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Oo u hambalyeeyay hogaamiyaha cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed 

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In