Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan oo la kulmay madax kala duwan & shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo furmay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Sawirro Madaxweynaha oo gaaray Sharm El Sheikh kana qeybgalaya shir madaxeedka carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Sharm el-Sheikh ee dalka Masar oo uu uga qeyb-galayo shir madaxeedka wadamada Jaamacadda Carabka ee  halkaasi ka furmay, ayaa furitaanka shirka ka hor la kulmay madax kala duwan oo  uu ka mid  yahay madaxweyneyaasha dalalka Maser, Jabuuti, xubno ka socday hey’adaha Midowga Afrika iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon.

Madaxweynaha oo la kulmay dhiggiisa Masar Abdel Fattah el Sisi iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Masar ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, iyadoo sidoo kale Madaxweynuhu kulanka uu la qaatay dhigiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle uu ahaa mid ay kaga wada hadleen xaaladda dalka iyo dadaalka ay dowladda ugu jirto gaarsiinta dalka hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon ayaa waxa ay ka arrinsadeen sidii Qaramada Midoobay ay u xoojin lahayd taageerada ay siineyso Soomaaliya.

Shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee sannadkan ayaa ajendaha ugu weyn ee laga hadlayo waxa uu yahay dagaalka ka taagan Yemen,  dhibaatooyinka ka jira qaar ka mid ah waddamada Carabta iyo dagaalka caalamiga ee ka dhanka ah argagixisada.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta: “Ciidamadu waxa ay badbaadiyeen in ka badan 50 qof” SAWIRRO

Next Post

Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Shaqada oo loo furay tababar aqoon kororsi ah “SAWIRRO”

Next Post
Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Shaqada oo loo furay tababar aqoon kororsi ah “SAWIRRO”

Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Shaqada oo loo furay tababar aqoon kororsi ah “SAWIRRO”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In