Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan oo la kulmay madax kala duwan & shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo furmay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 28, 2015
in Wararka
0
Sawirro Madaxweynaha oo gaaray Sharm El Sheikh kana qeybgalaya shir madaxeedka carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Sharm el-Sheikh ee dalka Masar oo uu uga qeyb-galayo shir madaxeedka wadamada Jaamacadda Carabka ee  halkaasi ka furmay, ayaa furitaanka shirka ka hor la kulmay madax kala duwan oo  uu ka mid  yahay madaxweyneyaasha dalalka Maser, Jabuuti, xubno ka socday hey’adaha Midowga Afrika iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon.

Madaxweynaha oo la kulmay dhiggiisa Masar Abdel Fattah el Sisi iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Masar ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, iyadoo sidoo kale Madaxweynuhu kulanka uu la qaatay dhigiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle uu ahaa mid ay kaga wada hadleen xaaladda dalka iyo dadaalka ay dowladda ugu jirto gaarsiinta dalka hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon ayaa waxa ay ka arrinsadeen sidii Qaramada Midoobay ay u xoojin lahayd taageerada ay siineyso Soomaaliya.

Shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee sannadkan ayaa ajendaha ugu weyn ee laga hadlayo waxa uu yahay dagaalka ka taagan Yemen,  dhibaatooyinka ka jira qaar ka mid ah waddamada Carabta iyo dagaalka caalamiga ee ka dhanka ah argagixisada.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta: “Ciidamadu waxa ay badbaadiyeen in ka badan 50 qof” SAWIRRO

Next Post

Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Shaqada oo loo furay tababar aqoon kororsi ah “SAWIRRO”

Next Post
Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Shaqada oo loo furay tababar aqoon kororsi ah “SAWIRRO”

Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Shaqada oo loo furay tababar aqoon kororsi ah “SAWIRRO”

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In