Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh” Allaah ayaa mahad leh oo si guul ah inoogu soo dhameeyey kulamadii aan la lahayn reer Hiiraan”

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh” Allaah ayaa mahad leh oo si guul ah inoogu soo dhameeyey kulamadii aan la lahayn reer Hiiraan”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho 23, December 2015- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka koobanaa labadda gole ee Dowladda federaalka oo mudo seddex maalmood ah ku sugnaa magaaladda Beledweyn ee gobolka Hiiraan ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaaladda Muqdisho.

Maalmahii uu Madaxweynaha ku sugnaa Beledweyn ayaa si guud iyo si gaaar gaar ahba ula kulmayey Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha dega gobolka Hiiraan. Madaxweynaha ayaa kala hadlayey sidii loo sii adkeyn lahaa heshiiskii dhowaan la dhaxdhigay beelaha walalaha ah ee ku dagaallamay magaaladda Beledweyn iyo in bulshadda gobolka Hiiraan warbixin laga siiyo dhismaha maamulka gobolleedka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

” Allaah ayaa mahad leh oo si guul ah inoogu soo dhameeyey kulamadii aan la lahayn reer Hiiraan, kulamadaas oo ujeedadoodu ahaayd la-tashiyo iyo in aan u sharaxno dhisamaha maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo qorshuhu yahay in todobaadka soo socda ka furmo magaaladda Jowhar iyo inaan sii xoojino heshiiskii la dhax-dhigay beelahii walaha ahaa ee khilaafka ku dhaxmaray Beledweyn si aysan mar dambe colaad u soo noqon” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri” Waxaan aad iyo aad igu mahad-celinayaa Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshadda Gobolka Hiiraan oo soo dhaweyn waanaagsan inoo sameeyey , islamarkaana nala wadaagay dareenkooda iyo kalsoonida ay ku qabaan Dowladda Federaalka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa sidoo kale uga mahad-celiyey Odayaasha dhaqanka gacantii ay dowladda federaalka ah ku siiyeen in xal laga gaaro khilaafkii dadka walaaha ah ku dhaxmartay Beledweyn.

12 23 45 65

Previous Post

Danjire Nicholas key oo Maanta la sagootiyay

Next Post

Wasiirka amniga gudaha oo la kulmay dhigiisa Masar “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka amniga gudaha oo la kulmay dhigiisa Masar “SAWIRRO”

Wasiirka amniga gudaha oo la kulmay dhigiisa Masar "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In