Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Dadka reer Koonfur Galbeed waxaan rabnaa inay wada fariistaan oo mushkiladahooda xalistaan”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh “Dadka reer Koonfur Galbeed waxaan rabnaa inay wada fariistaan oo mushkiladahooda xalistaan”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed ayaa ku adkeeyey madaxda, waxgaradka iyo haldoorka reer Koonfur-galbeed in ay ilaashaadaan dowladnimada, nabadda iyo wadajirka heer dowlad-goboleed.

Madaxweynaha ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaad sokeeye, iyadoo wixii soo dhacayey 30kii sano ee la soo dhaafay ay inoo yihiin cashar ina ku jiheynaya horumarka iyo nabadda, maanta halka cadoow ee aynu leenahay uu yahay argagixisada Alshabaab, la dagaallankooduna uu yahay kan kaliya ee inoo furan.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026

“Dadka reer Koonfur-galbeed, hoggaankooda siyaasadeed, mucaarad ha ahaadaan ama muxaafad, odeyaashooda dhaqanka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada rayidka ah, waxaan rabnaa in ay isla fariistaan oo mushkiladahooda xallistaan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay in uu ku kalsoon yahay miro-dhalka wada-hadalladan maanta ka furmay Baydhabo iyo sida ay uga go’an tahay dhammaan reer Koonfur-galbeed in ay xalliyaan tabashooyinka siyaasadeed ee ay isu qabaan, si ay u dardar geliyaan xoreynta deegaannada ay argagixisadu ku dhibaateynayso dadka Soomaaliyeed.

“Hal cadow ayaan leenahay waana argagixisada Alshabaab. Dowladdu waxay sameysay qorshe dalka lagaga xoreynayo, wajigii koowaad ayaa hadda gabo-gabo ah, wajiga Labaadna waxaa ugu horreysa Koonfur-galbeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira fikirka gurracan ee argagixisanimada in ay ka soo laabtaan, isagoo cafis u fidiyey mid kasta oo ka mid ah oo u soo laabta dadkiisa iyo dalkiisa, dowladduna ay diyaarisay qorshe dhaqancelin iyo nolol wanaagsan looga sameynayo dhallinyarada ay khaldeen argagixisadu.

Previous Post

Guddiga Tamarta ee BJFS oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Korontada “SAWIRRO”

Next Post

SNA recaptures 3 strategic Towns, repulses attack in Hirshabelle State

Next Post
SNA recaptures 3 strategic Towns, repulses attack in Hirshabelle State

SNA recaptures 3 strategic Towns, repulses attack in Hirshabelle State

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire...

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In