Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Dhiggiisa Dalka Uganda Oo Yeeshay Wada Hadallo Miradhal Ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Dhiggiisa Dalka Uganda Oo Yeeshay Wada Hadallo Miradhal Ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadallo miradhal ah kula yeeshay Madaxtooyada Uganda ee Entebbe, dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Kaguta Museveni, iyagoo ka wada hadlay horumarinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dal, xasilloonida Gobolka iyo danaha wadajirka ah ee heer Qaaradeed.

Labada Madaxweyne ayaa dhiirrigeliyey qabasoomidda Kulanka Koowaad ee Xubnaha Joogtada ah ee Guddiga Isku dhafka labada dal (JPC), kaas oo u xil-saaran kobcinta iskaashiga diboomaasiyadda iyo siyaasadda, wadashaqeynta dhanka amniga iyo ganacsiga, iyagoo soo dhaweeyey saxiixa heshiisyada Is-afgarad ee Kampala ay ku kala saxiixdeen Wasiirrada Xukuumadda Feedraalka Soomaaliya ee booqashadan ku weheliya Madaxweynaha iyo dhiggooda dalka Uganda.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Madaxweyne Yoweri Museveni, Dowladda iyo shacabka dalkiisa garab istaagga ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan doorkooda ku aaddan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka. Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyey mowqifka walaaltinimada leh ee dowladda Uganda ay ku taageertay codsiga dowladda Soomaaliya ee ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Dhankiisa, Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida uu u ajiibay casuumaadda uu u fidiyey iyo wada-hadalladan wax-ku-oolka ah, Isagoo ku ammaanay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dhabar-adeygga iyo dadaalka ay ku bixinayaan xasilinta dalkooda.

Ugu danbeyntii, Labada Madaxweyne ayaa faray Wasiirrada Arrimaha Dibadda Labada dal oo goob-joog u ahaa heshiisyada iyo is-afgaradyada ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Uganda, in ay xaqiijiyaan dhaqan-gelinta go’aannada iyo talooyinka ka soo baxay Kulankii koowaad ee Guddiga Joogtada ah ee Labada dal, iyo inay sidoo kalena sameeyaan dib-u-eegis joogta ah, si loogu kuurgalo horumarka laga gaaray hirgelintooda, loona sahamiyo dhinacyo kale oo Labada dal ay iska kaashan karaan.

Previous Post

Wasaaradda Waxbarashada Oo digniin Adag U Dirtay Iskuulada Dalka

Next Post

Abaaraha ka jira Dalka oo saameeyey deegaano hor leh.

Next Post
Abaaraha ka jira Dalka oo saameeyey deegaano hor leh.

Abaaraha ka jira Dalka oo saameeyey deegaano hor leh.

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In