Wednesday, August 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Abaaraha ka jira Dalka oo saameeyey deegaano hor leh.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
4 years ago
in Wararka
0
Abaaraha ka jira Dalka oo saameeyey deegaano hor leh.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abaaraha xooggan ee ka jira qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya aayaa haatan maraya heerkii ugu adkaa sida ay sheegeen Qaramada midoobay iyo hayโ€™adaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya.

Goobaha ay haatan sida baโ€™an ugu habsatay abaartu lagana soo sheegayo macaluul ayaa waxaa ka mid ah gobollada degaanno ka tirsan maamullada Jubbaland, Koofur galbeed, Hirshabeelle Galmudug iyo qeybo ka mid ah Puntland.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฒ๐š

August 18, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md; Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo bilihii ugu dambeeyay waday safarro la xiriira u kuurgalka abaaraha dalka ayaa sheegay in xaaladdu ay marayso heerarkii ugu xumaa loona baahan yahay gurmad deg-deg ah.

Xil; Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa dabayaaqadii Todobaadkan booqday xeryo barakac oo ku yaalla duleedka magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay jiraan dad u badan carruur, haween iyo daโ€™ aad u jilicsan, kuwaas oo u baahan gargaar degdeg ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuu ayaa horay safarro u kuurgal ah ugu tagay barakacayaal ku jira xeryo ku yaalla inta badan maamullada uu dalku ka kooban yahay, isagoo sheegay inay heerka baahidu tahay mid aad u daran, macaluulna ay ka jirto degaannada qaar.

Maaulka Hirshabeelle ayaa sidoo kale dhowaan sheegay inay degaanno hor leh oo ka tirsan Shabeellada dhexe iyo Hiiraan ay ku fidday abaartu, wuxuuna maamulku sheegay inay jiraan xeryo barakac cusub ah oo haatan ka samaysmay duleeddada magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne, kuwaas oo u baahan in gargaar lala gaaro.

Dhinaca kale, Kooxda Al-shabaab oo degaannada qaar ku haysey goโ€™doomin ayaa haatan billaabay inay aasaan Ceelasha biyaha ee ay ku noolaayeen dadka ku dhaqan dhulka miyiga, iyagoo gubay Tuulooyin badan oo ku yaalla gobolka Hiiraan, taas oo kasii dartay xaaladda guud ee abaarta ka jirta dalka.

Abaarta haatan ka jirta Soomaaliya oo ay sababeen dhowr xilli roobaad oo baaqday ama aan si wanaagsan u diโ€™in, fatahaado soo laalaabtay iyo Ayax baabiโ€™iyay dalagyadii la tacbaday, colaado iyo sicir barar ayaa ah mid saamaynteedu ay kusii fideyso degaanno hor leh.

Xafiiska Qaramada midoobay ee Muqdisha ayaa sheegay dhowaan in khatarta macluusha ee Soomaaliya ay sii korodhay , taas oo saameeysay in ka badan 7 milyan oo qof, ayna ku barakaceen dad kor u dhaafaya 900,000 oo qof.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Dhiggiisa Dalka Uganda Oo Yeeshay Wada Hadallo Miradhal Ah

Next Post

Shacabka Kenya oo dooranaya Madaxweyne cusub

Next Post
Shacabka Kenya oo dooranaya Madaxweyne cusub

Shacabka Kenya oo dooranaya Madaxweyne cusub

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฒ๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฒ๐š

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH โ€œFARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMOโ€

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH โ€œFARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMOโ€

August 18, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay isaga...

Dowladda Soomaaliya oo ka guddoontay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar Safiir oo cusub

Somalia Receives Copies of Credentials from Four New Ambassadors

August 18, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Ali Abdi, received the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In