Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka wadahadley xaaladda Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka wadahadley xaaladda Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon.

Madaxweynaha iyo Mr Ban ayaa ka wadahadley xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, xuquuqda aadanaha iyo arrimo kale.

Related posts

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uga mahad celiyay taageerada ay mar walba Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka la garab taagan yihiin Soomaaliya.

“Soomaaliya horumar la taaban karo ayay ku tallaabsatey, waxaana horumarkaasi la gaarey gacan weyn ka geystey Qaramada Midoobay. Waxaan ku faraxsanahay in Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka Soomaaliya garab istaageen xilli xasaasi ah oo taageeradooda loo baahnaa. Dhowaan waxaan ku guuleysaney inaan la imaanno qaab doorasho oo aan u qaadaney doorashada waddankeena ka dhacaysa sannadkan. Waan rajeynayaa in Qaramada Midoobay ay sii waddo wadashaqeynta iyo iskaashiga ay inala leedahay’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr Ban Ki-moon, ayaa kulanka ka sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka muuqda ee Soomaaliya ka jira oo uu yiri waxaa sabab u ah hoggaanka Soomaaliya iyo shacabka oo wada shaqeynaya. Waxaa uu sheegay in dimoqraadiyadda Soomaaliya ay kobceyso, isagoo kula dardaarmey Soomaalida in dumarka laga siiyo talada dalka qeybta ay xaqa u leeyihiin sida uu dhigayo dastuurka.

Waxaa uu Xoghayaha Guud sheegay in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya kala shaqeyneyso arrimaha la xiriira dhowrista xuquuqda aadanaha iyo ka hortagga tacadiyada ka dhanka ah aadminimada.

Madaxweynaha iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka wadahadley qaabka loo tayeyn karo hawlgalada ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, hawlgaladaas oo muhiim ah ciribtirka haraaga kooxaha argagixisada ee nabad-diidka ah.

Previous Post

Taliska hey’adda Nabadsugidda ee ka howlgala deegannada Galmudug oo Soo saaray digniino+Sawirro

Next Post

Dowladda Japan oo taageero lacageed ugu yaboohday Soomaaliya

Next Post
Dowladda Japan oo taageero lacageed ugu yaboohday Soomaaliya

Dowladda Japan oo taageero lacageed ugu yaboohday Soomaaliya

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In