Tuesday, July 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBABAXAY DALKA UGANDA

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
4 years ago
in Wararka
0
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBABAXAY DALKA UGANDA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

July 7, 2026
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Salaada Janaasada ee Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Salaada Janaasada ee Imaam Maxamed Yuusuf Cali

July 7, 2026
-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Uganda, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho saddex maalmood ah ay uga bilaabanayso dalkaas ayaa waxa ay ka wada hadli doonaan Madaxweyne Yoweri Museveni xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca ammaanka.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu ka qeyb gali doonaa madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca waxsoosaarka, si loo sii horumariyo, loona xalliyo wixii caqabado ah oo ku xeeran.
Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggooda dalka Uganda la yeelan doona kulammo ku saabsan adkaynta xiriirka labada dal iyo xasilloonida Gobolka, iyagoo soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dib u xoojinta xiriirka dalkeenna iyo dalalka Gobolka.
Previous Post

Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir “Al-shabaab waxay dab qabadsiiyeen guryo shacab & Ceelashii ay biyaha ka cabayeen”

Next Post

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Oo Kulan Sagootin Ah La Qaatay Agaasimayaasha

Next Post
Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Oo Kulan Sagootin Ah La Qaatay Agaasimayaasha

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Oo Kulan Sagootin Ah La Qaatay Agaasimayaasha

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

July 7, 2026
0

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝟕 𝐋𝐮𝐮𝐥𝐲𝐨 𝟐𝟎𝟐𝟔 –Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Salaada Janaasada ee Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Salaada Janaasada ee Imaam Maxamed Yuusuf Cali

July 7, 2026
0

Muqdisho, 07, Luulyo, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiin ka tirsan hay'adaha dowladda, duubabka dhaqanka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

July 7, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkadir Cali, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha CXDS   oo dhiirrigelin ugu tegay Ciidamada ku sugan Wargaadhi

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha CXDS   oo dhiirrigelin ugu tegay Ciidamada ku sugan Wargaadhi

July 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In