Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Degmooyinka Xarardheere iyo Ceel Dheer “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Degmooyinka Xarardheere iyo Ceel Dheer “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa gaaray Degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer ee Galmudug, si uu u dardar-galiyo howlgallada dib u xoreynta dalka, una dhiirigeliyo Ciidamada Qalabka Sida iyo halyeeyada difaaca shacabka ee Khawaarijta kula dagaallamaya deegaanno hoos yimaada degmooyinkaas.

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey geesiyaasha dib u xoreynta dalka nafhurnimada ay kaga difaacayaan dadkooda iyo dhulkooda sharwadeyaasha caadeystay daadinta dhiigga shacabka iyo burburinta hantida umadda Soomaaliyeed ayaa hal darajo dallacsiiyay dhammaan saraakiisha iyo ciidamada Qaranka ee ku faro adeygay gacan ku haynta degmada Xarardheere, isaga oo xusay in halganka dalka looga xoreynayno khawaarijta uu heer gabogabo ah marayo, taariikhduna ay xusi doonta halyeeyada ku shahiiday dagaalka iyo kuwa u taagan dabargoynta argagixisada.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Dalkeenna maanta waxaa uu cagta saaray dhabbaha horumarka iyo kobaca bulshada, taas waxa suurageliyey waa idinka oo habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka, bulshada Xaradheere gaar ahaan geesiyaasha difaaca shacabka iyo Ciidamada Qalabka Sida waxaad muujiseen nafhurnimo waana miraha aan rabno in mustaqbal ay harsadaan ubadkiinna iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed”.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka degmada Ceeldheer,  Ciidamada Xoogga Dalka iyo Ciidamada difaaca shacabka ayaa ku adkeeyey in ay labo laabaan dadaaalkooda si uu u guuleysto halganka ay ku jiraan guud ahaan umada Soomaliyeed ee dalka looga sofeynayo argagixisada.

Previous Post

Tiradii ugu badneed ee Khawaarij ah oo isu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

Next Post

Xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo la xarig jaray

Next Post
Xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo la xarig jaray

Xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo la xarig jaray

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In