Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo la xarig jaray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 1, 2024
in Wararka
0
Xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo la xarig jaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa maanta si rasmi ah u yeelatay xarun dhexe oo la jaanqaadaysa hay’adaha duulista ee caalamka ,taa oo maanta si rasmi ah xarigga looga jaray, wixii hadda ka dambeeyana ay ku shaqeyn doonaan maamulka, howlwadeennada iyo khuburada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA).

Dhismaha xarunta ayaa ka kooban labo dhisme oo dabaqyo ah oo ay ku yeelaan 30 xafiis oo waax walba ay leedahay hoolkeeda shirarka, hool weyn oo shir, masaajid, maqaayad, goobaha la dhigto gaadiidka iyo qaybo kale oo leh  nasniino, iyadoo dhismayaasha dhaqaalaha ku baxay uu yahay mid ay bixisay dawladda, halka ay dhammeystirkiisa iyo qalabeynta ay ka qaybqaadatay safaaradda dawladda Shiinaha ee Muqdisho.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in xarig-jarka xarunta ay u tahay dalka dhacdo muhiim ah , maaddama horumarada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ay door ka qaateen isbeddelada dal oo ay ugu horreyso kobaca dhaqaalaha.

“Maanta waxay inoo ahayd waqti kale oo muhiim ah , waxaan xarig-jarnay xarunta cusub oo noqon doonta xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, oo loo dhisay qaab waafaqsan, isla markaana la jaanqaadaysa agabka iyo xafiisyadaba xarumaha hay’adaha duulista caalamka.  Hirgelinta dhismayaasha xaruntan cusub, waxay door dedejinaya ka qaadanaysa horumarka iyo wax-soosaarka waaxyaha Duulista Rayidka ee dalka.” sidaa waxaa sheegtay Wasiir Fardowsa.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , Mudane Axmed Macallin Xasan oo ka hadlay munaasabadda xarig-jarka ee dhismayaasha cusub ee xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa sheegay inay door ka qaadanayaan xafiisyadan horumarinta howlaha shaqo, taa oo kor u qaadaysa wax-soosaarka iyo kobaca dhaqaalaha ee Hay’adda.

Munaasabadda oo ay ka qaybgaleen guddiga Gaadiidka iyo Duulista ee Golaha Shacabka, Xildhibaanno , mas’uuliyiin ka socday golayaasha dawladda iyo diblomaasiyiin , ayaa xubnihii u hadlay waxay boggaadiyeen horumarka deg deg leh ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Dhammeystirka dhismayaasha iyo qalabeynta xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa qayb ka ahaa hiigsiga iyo qorshaha sannad laha ah ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , iyadoo xilligan qorshaha dhow ay ka mid yihiin in sare loo qaado wax-soosaarka shaqo iyo in si la mid ah sare loo qaado duulimaadyo cusub oo caalami ah oo ay ugu horreynayso shirkadda duulimaadyada ee Egyptair iyo Saudi Arabian Airlines.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Degmooyinka Xarardheere iyo Ceel Dheer “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay kulan afur ah oo loogu mahadcelinayay Guddoonka BJFS “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay kulan afur ah oo loogu mahadcelinayay Guddoonka BJFS “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay kulan afur ah oo loogu mahadcelinayay Guddoonka BJFS “SAWIRRO”

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In