Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo u diray Madaxweynaha Djibouti oo dib loo doortay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo u diray Madaxweynaha Djibouti oo dib loo doortay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, April 9, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee shalay dalkaasi aanu walaalaha nahay ka dhacday.

“Walaalkey Madaxweyne Geelle waxan kugu hambalyeynayaa guusha weyn ee aad ka soo hoysey doorashadii madaxtinimada ee shalay oo Jimco ah dhacday. Waxay guushan tilmaameysaa kalsoonida shacabkaaga kugu qabo iyo waxqabadkaagii oo horseeday in Djibouti ay horumar ku tallaabsato, dunidana magac ku yeelato’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in biseylka shacabka iyo siyaasiyiinta Djibouti ee dhinaca dimoqraadiyadda uu yahay kan keenay in doorashooyinka ay si nabad ah ku dhacaan, fursadna la siiyo in waddanku uu horay u sii socdo.
“Waxaan filayaa in adigoo kaashanaya shacabkaaga aad meesha ka sii wadi doonto waxqabadkii aad ummadda u haysey, anigoo rajeynayaa in aad waddanka gaarsiin doonto horumar ka ballaaran kii aad u horay u gaarsiisay 17-kii sanno ee aad talada haysay. Waxaana kuu xaqiijinayaa in Soomaaliya iyo shacabkeeduba ay ku garab taagan yihiin mar kasta’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Djibouti ay baal dahab ah kaga jirto taariikhda Soomaaliya, marnabana aanay Soomaaliya iyo shacabkeeda ilaabi doonin taageerada ay Djibouti ka heleen.

Waxaa ugu dambeyntii uu Madaxweynaha u rajeeyay Madaxweynaha Djibouti inuu Ilaahay la garab galo xilka culus ee mar kale loo doortay, waddanka iyo shacabka reer Djiboutina ay horumar iyo baraare ku waaraan.

 

Previous Post

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Jabuuti

Next Post

Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta Oo La Kulmay Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya-SAWIRRO

Next Post
Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta Oo La Kulmay Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya-SAWIRRO

Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta Oo La Kulmay Mas'uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya-SAWIRRO

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In