Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo saxiixay Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo saxiixay Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 14 August 2016 (Villa Somalia)—— Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah qalinka ugu duugay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka.

Madaxweynaha oo munaasabaddan khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dhowrista xuquuqda aadanaha ay qeyb ka tahay dhismaha dowlad wanaagga iyo in nabad iyo caddaalada lagu wada noolaado.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

“Saxiixa sharcigan waxaa uu si cad uga tarjumayaa muhimadda aan siineyno dhowrista xuquuqaha aasaasiga ah iyo xorriyadaha qof walba oo ku nool Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ay tahay inuu helo. Guddigan Madaxa Banaan ee Xuquuqda Aadanaha waxaa uu noqonayaa xafiiska ugu sarreeya dalka ee u xilsaaran inuu sugo in xaqa muwaadiniinta sida ay tahay loo ilaaliyo, cid walbana lagula xisaabtamo iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo shuruucda kale ee inoo degsan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha sidoo kale hoosta ka xariiqay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ballanqaadeyso inay iskaashi iyo wadashaqeyn buuxda u fidin doonto Guddigan Madaxa Banaan ee Xuquuqda aadanaha iyo sidii uu waajibaadkiisa u gudan lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadley arrimaha siyaasadda dalka, isagoo ka waramey muhimadda in xisbiyo siyaasadeed la sameysto, khatarta siyaasadaha qabiilka ku dhisan, qoondada haweenka ay ku leeyihiin goleyaasha siyaasadeed ee la soo dhisayo doorashada 2016 iyo in la dhiirigeliyo midnimada iyo dib u dhiska dalka.

Previous Post

Cabdishakuur Cali Mire iyo Wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Next Post

Saraakiil ciidan oo tabbabar ku saabsan xiriirka bulsahda loogu soo gabo gabeeyay dalka Uganda

Next Post
Saraakiil ciidan oo tabbabar ku saabsan xiriirka bulsahda loogu soo gabo gabeeyay dalka Uganda

Saraakiil ciidan oo tabbabar ku saabsan xiriirka bulsahda loogu soo gabo gabeeyay dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In