Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan: Ururka ISIL waa dembiileyaal ka soo horjeeda ilbaxnimada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan: Ururka ISIL waa dembiileyaal ka soo horjeeda ilbaxnimada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 21 April 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa maanta cambaareeyay falka foosha xun ee ay ku kaceen maliishiyaadka ururka ISIL oo dalka Libya ku diley in ka badan 20 qof oo Masiixiyiin ah oo u dhashey Ethiopia bishan April 19-keeda.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa falkan waxashnimada ah. Falkan ay ku kacdey kooxdan argagixisada ah waa dembi weyn oo bahalnimo ah. Falkani waa burcadnimo la huwiyey magaca aydoloojiyad aan waxba ka jirin. Waxaa cad in kooxda ISIL ujeeddadeedu ay tahay oo keliya inay faafiso fariin waxashnimo iyo dhibaateynta dad aan waxba galabsan. Waa dembiileyaal ka soo horjeeda ilbaxnimada; waa bahalo quuta dhiigga wiilasheena iyo gabdhaheena,” ayuu yiri madaxweynaha.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweynaha waxaa sidoo kale uu sheegay in argagixisanimada ay tahay khatar caalami ah, oo u baahan in si wadajir ah waajib la isaga saaro sidii loola tacaali lahaa. Waxaa uu intaa ku darey in Soomaaliya oo ah dal ay waxyeelo uu ka soo gaarey falal argagixisonimo, ay si dhow ula shaqeyn doonto beesha caalamka si loo burburiyo kooxaha argagixisada.

“Soomaaliya waxay balanqaadeysaa waajibaadka ka saaran la shaqeynta waddamada Afrika, isla markaana aysan aqbali doonin in kooxaha argagixisada ay gabbaad ka dhigtaan waddanka. Waxaan u taaganahay inaan waddamada Afrika kala shaqeyno baahida sugidda amniga. Waxaan garab taaganahay mabaadii’da caalamiga ah ee dhowrista xoriyadda, in laga hortago tacaddiyada, taageerada ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda aadanaha,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Madaxweynaha.

-DHAMMAAD-

Previous Post

Wasiirka Difaaca oo kormeer howleed ku tagey Xarunta Ciidanka Badda Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In