Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay Hiigsiga Qaran ee 2060-ka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay Hiigsiga Qaran ee 2060-ka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Hiigsiga Soomaaliya ee 2060-ka oo saldhig u ah horumarinta nolasha, xoreynta iyo xasilinta, dhismaha kaabeyaashe dhaqaalaha iyo dowladnimada dalkeenna.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeyb-galeen masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, wakiillada beesha caalamka iyo ururrada bulshada Rayidka ah ayaa lagu soo bandhigay qorsheyaasha muddaysan ee horyaalla shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyadoo la xaqiijiyey awoodda aan u leenahay in aan wadajir u gaarno hiigsigaas.

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda waxa uu sharraxay caqabadaha soo laalaabtay ee dib dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyaan colaadaha, amni darrada, abaaraha iyo fatahaadaha isdaba jooga, waxa uuna sheegay in uu muhiim yahay hiigsigan oo isku xiraya jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.

“Maanta, waxaan bilaabaynaa safar cusub, safar u horseedaya dalkeenna barwaaqo iyo horumar. Hiigsiga Qarn ee 2060-ka waxa uu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka gudubno caqabadaha hadda jira, annagoo aasaas adag u abuurayna  jiilasha soo socda”. Ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Hiigsiga 2060-ka ayaa ka kooban saddex qeybood oo kala ah;

1.Yoolalka dhow (2023-2025): waxa uuna yoolkan ku saleysan yahay xasilloonida, dabargoynta argagixisada iyo xal u helista arrimaha banu aadannimo.

2. Yoolalka Muddada Dhexe (2025-2040): Dhismaha awoodaha hay’adaha, dib u habaynta qaab-dhismeedka dowladda iyo xaqiijinta maamul muaamul wanaagga.

3. Yoolalka Muddada Fog (2035-2060) oo xoogga saaraya horumarinta dhaqaalaha, kor u qaadidda heerka nolosha iyo isku-duubnida bulshada.

Previous Post

Wasiir dowlaha Wasaaradda Shaqada oo dalka Libya ugu qeybgalya hormarinta Xirfadaha 

Next Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo ka dooday fatahaadaha ku dhuftay dalka “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo ka dooday fatahaadaha ku dhuftay dalka “SAWIRRO”

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo ka dooday fatahaadaha ku dhuftay dalka "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In