Sunday, April 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 hours ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Hay’addan ayaa door muhiim ah ka qaadan doonta daryeelka iyo korinta ubadka ay ka tageen halyeeyadii naftooda u huray difaaca dalka, waxaana dhawaan meelmariyay Golaha Wasiirrada kaddib soo jeedintii Wasaaradda Gaashaandhigga.

Related posts

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

April 12, 2026

Dhismaha hay’addan ayaa ah tallaabo muujinaysa sida ay dowladda uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda iyo mustaqbalka carruurta agoonta ciidanka, si ay u helaan waxbarasho, daryeel iyo nolol sharaf leh.

Dhagax-dhigga xaruntan ayaa kusoo beegmay 12-ka Abriil, oo ah sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo xambaarsan qiime qaran oo weyn, isla markaana xusuusinaysa halganka iyo naf-hurnimada ciidanka Soomaaliyeed.

Previous Post

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka...

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Sawirro: Waxaa si habsami leh u socota munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska...

Taliyaha Xoogga Dalka oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad guuradoodii 66-aad

Taliyaha Xoogga Dalka oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad guuradoodii 66-aad

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa Geesiyaasha Ciidanka XDS Soomaaliyeed u diray Hambalyada Sanad guuradii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In