Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 02 May 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland kaga soo qeybgaley shirkii labaad ee Madasha Wadatashiga ee madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Shirkaasi oo ay ka soo qeybgaleen madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Jubba iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu gorfeeyay arrimo ay ka mid yihiin Hiigsiga 2016, Cahdiga cusub, dhismaha iyo isku dhafka ciidammada qaranka, qeybsiga kheyraadka iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Kenya, Yemen iyo dalalka kale ee caalamka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxda ayaa shirka kadib ka soo saarey war murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo mustaqbalka Soomaaliya la xiriira.

Madaxweynaha oo socdaalkiisu uu qaatey muddo shan maalmood ah, ayaa waxaa garoonka diyaaradaka ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole.

-DHAMMAAD-

Previous Post

Xubno ka tirsan Ururka haweenka Qaranka oo gaaray Cadaado ” Sawirro”

Next Post

War Murtiyeedka Madasha Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada

Next Post
War Murtiyeedka Madasha Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada

War Murtiyeedka Madasha Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In