Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay kalfadhiga 4aad ee labad Gole ee Baarlamaanka JFS

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay kalfadhiga 4aad ee labad Gole ee Baarlamaanka JFS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay hiigsiyada qaran ee ay dadaalka ku bixisay dowladdu, kuwaas oo ay ugu horreyaan cafinta deynta lagu leeyahay dalkeenna, qaadista cunaqabateynta hubka, aqbalaadda codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo xoreynta deegannada ku jira gacanta argagiiixisada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sannadkan gudihiisa laga guul gaarayo arrimaha inta badan la xiriira dibadda iyo beesha caalamka, maadaama la hagaajiyey xiriirka iyo diblumaasiyadda dalkeenna, balse looga fadhiyo dadka Soomaaliyeed in ay ka libin keenaan qorsheyaasha u gaarka ah ee ku aaddan dhammeystirka dastuurka, xoreynta dalka iyo nabadda.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

β€œBaarlamaanka Soomaaliya markii uu ansaxiyay shurrucdii loo baahnaa waxaa ka dhashaa in dhawaan deynta la cafiyo iyo cunaqabateynta hubka oo nalaga qaadayo. Dib u eegista dastuurkana waxaa ka dhalan doona Soomaaliya oo loo arko dal iska jaray dabarkii, haddii aan ku guuleysanno dhammeystirka adduunka waxaan noqonaynaa dal ay u dhammeystiran tahay qarannimadiisu, adduunyaduna ay sidaas ula macaamisho.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in kor loo qaado nolasha dadka Soomaaliyeed, cirib-tirka saboolnimada iyo daminta colaadaha sokeeye.

β€œAfartii bilood ee ugu dambaysay waxaa dakhliga gudaha uu kordhay 25%, tani waxaa ay ku timid hawl hufan oo la qabtay, waxaana ay sababtay in miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2024 ay gaarto in ka badan hal bilyan oo dollar. Dowladnimo waxay ku jirta sharci, haddii sharcigu daciif yahay ama aan la dhaqan-gelinayn dowladnimo waa adkaanaysaa”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladdu ay dadaal badan gelisay xasilinta dalka, colaadaha iyo kor u qaadidda xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, iyada oo la ilaalinayo midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed, waxa uuna baaq nabadeed ka diray khilaafka doorashooyinka ee ka taagan Soomaaliland iyo Puntland.

Previous Post

Kulan ciyaareed xiiso badan oo lagu soo dhaweynayo Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo lagu qabtay Baydhabo

Next Post

UAE and Somalia sign agreement on water wells project

Next Post
UAE and Somalia sign agreement on water wells project

UAE and Somalia sign agreement on water wells project

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In