Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka JFS

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka JFS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey Guddoonka, Xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare shaqadii baaxadda lahayd ee ay qabteen intii lagu gudajiray kalfadhiyadii hore ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay howlgallada lagu xoreynayo goobaha ay Khawaarijtu kaga suganyihiin dalka, isagoo ammaanay Ciidamada Qalabka Sida, Xoogagga Difaaca Shacabka Soomaaliyeed ee Macawisleey iyo Ciidamada Daraawiishta Puntland ee naftooda u huraya adkeynta nabadgalyada iyo ilaalinta Qarannimada, isaga oo soo bandhigay khatarta argagixisada Daacish ee ku aaddan isu-socodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

“Waxaan garab taagannahay Ciidamada dowlad goboleedka Puntland iyo shacabka deegaannadaas oo casharro lama illaawaan ah siiyay Khawaarijta Daacish. Waa dagaal xaq ah, anagana waajib ayay nagu tahay in aan garab istaagno walaalaheenna dagaalka ugu jira xoreynta iyo soo celinta karaamadeenna”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiisyadii siyaasadeed ee Madasha Qaranka iyo ansixinta Baarlamaanka ee afarta cutub ee ugu horreeyay Dastuurka ay horseedeen hirgelinta qorshaha doorashooyinka tooska ah, lagana gudbayo doorashooyinkii dadbanaa ee caqabadda ku ahaa dowladnimada dalka, waxa uuna ugu baaqay Baarlamaanka in kalfadhigan lagu dhammeystiro cutubyada dhimman ee Dastuurka, si looga gudbo khilaafaadka curyaamiyey dowlad-dhiska Soomaaliyeed.

“Walaalayaal, dadka Soomaaliyeed annaga ayeey dhankeenna soo eegayaan, naguna aamineen waajibka ah in aan ka rarno meeshii ay ku raageen ee doorashada dadban. Waa inaan fursad u siinno in maskaxdooda xorowdo, fikirkooda xoroobo, ayna codkooda xorta ah ku soo doortaan ciddii matali lahayd. Waa garaad xumo inaan isku qancinno in loo laabto jidkii foosha xumaa ee magacaabidda iyo doorashooyinka dadban”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in guushii deyn cafinta kaddib ee dhammaadkii sanadkii 2023, xoogga la saaray sidii Soomaaliya ay uga faa’iidaysan lahayd khayraadkeeda, waxa uuna sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax deyn ah qaadan muddadii la soo dhaafay, ayna ku dadaashay in ay beekhaansato oo isku maarayso dhaqaalaha ka yimaada canshuuraha ay bixiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxa uuna ku bogaadiyey ganacsatada iyo guud ahaan canshuur-bixiyayaasha Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo xasilinta dalka.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hambalyo u diray Ciidanka Asluubta munaasabadda aas aaskooda

Next Post

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka oo ka qeybgalay shirweynaha Baarlamaanka Carabta

Next Post
Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka oo ka qeybgalay shirweynaha Baarlamaanka Carabta

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka oo ka qeybgalay shirweynaha Baarlamaanka Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In