Saturday, June 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

MUQAA;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka dib u heshiisiinta gobollada Dhexe, Muqdishana ku soo laabtay(Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 10, 2015
in Keydka Sawirrada, Wararka, Xulashada
0
MUQAA;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka dib u heshiisiinta gobollada Dhexe, Muqdishana ku soo laabtay(Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo gabagabeeyey safarkii uu ku tagay degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud, isagoo si rasmi ah u soo furay shirka dib u heshiisiinta beelaha dega gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay safarkiisa ku wehliyeen wasiirro ka tirsan Xukuumadda, ayaa waxaa si weyn degmada Dhuusamareeb ugu soo dhoweeyey, maamulka gobolka, odeyaasha Dhaqanka, siyaasiin, Xildhibaanno iyo kumanaan dadweynaha degmadaasi.

Related posts

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa meelo kala duwan oo Dhuusamareeb ah booqdey, halkaasi oo ay si weyn ugu soo dhoweeyeen bulshada degmada, madaxweyne Xasan Sheekh  ayaa soo indha-indheeyey halka loogu talagalay in lagu qabto shirka dib u heshiisiinta gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in gobollada dhexe  dalka Soomaaliya guud ahaan ay u leeyihiin muhiimad gaar ah, isla markaana ay muhiim tahay midnimada dadka deegaanka dowladda dhexena ay si gaar ah xil isaga saareyso sidii loo gaari lahaa, maamul iyo kala dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaana si rasmi ah u furay shirka dib u heshiisiinta ee Mudug iyo Galgaduud kaddib munaasibad uu uga qeyb-galay Hoolka shirkaasi lagu qabanayo.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bulshada gobollada dhexe ugu baaqay in ay midoobaan oo ay shirkan ka soo saaraan tallooyin ku dhisan degnaansho iyo wadajirka dadweynaha Soomaaliyeed ee Mudug iyo Galgaduud, waxa uu intaa raaciyey in lagama maarmaan ay tahay maamul ay yeeshaan gobollada dhexe.

Ugu dambeyntii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa degmada Dhuusamareeb tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan hey’adda NISA, waxa uu madaxweynuhu u jeediyey dardaaran ku aaddan in ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka difaacaan kuwa nabadda diidan, isla markaana ay ka mid noqdaan ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ugu dhaqanka wanaagsan, iyagoo dhowraya Xaquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa, ayaana caawa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.Copy of IB0A4551 IB0A4510 IB0A4512 IB0A4519 IB0A4526 IB0A4534 IB0A4538 IB0A4551 IB0A4552 IB0A4553 IB0A4556 IB0A4559 IB0A4563 IB0A4569 IB0A4572 IB0A4574 IB0A4580 IB0A4581 IB0A4597 IB0A4601 IB0A4603 IB0A4604 IB0A4607 IB0A4615 IB0A4628 IB0A4630 IB0A4633 IB0A4636 IB0A4646 IB0A4648 IB0A4652 IB0A4654 IB0A4655 IB0A4656 IB0A4658 IB0A4659 IB0A4665 IB0A4680 IB0A4681 IB0A4682 IB0A4684 IB0A4685 IB0A4686 IB0A4689 IB0A4696 IB0A4697 IB0A4698 IB0A4700 IB0A4701 IB0A4702 IB0A4704 IB0A4716 IB0A4717 IB0A4719 IB0A4720 IB0A4723 IB0A4725 IB0A4727 IB0A4735 IB0A4740 IB0A4743 IB0A4744 IB0A4759 IB0A4767 IB0A4768 IB0A4774 IB0A4775 IB0A4776 IB0A4777 IB0A4778 IB0A4784 IB0A4785 IB0A4786 IB0A4789 IB0A4790 IB0A4795 IB0A4796 IB0A4797 IB0A4798 IB0A4799 IB0A4802 IB0A4804 IB0A4817 IB0A4818 IB0A4824 IB0A4834 IB0A4836 IB0A4841 IB0A4842 IB0A4843 IB0A4848 IB0A4854 IB0A4856 IB0A4857 IB0A4858 IB0A4869 IB0A4872 IB0A4873 IB0A4875 IB0A4877 IB0A4878 IB0A4880 IB0A4888 IB0A4889 IB0A4890 IB0A4893 IB0A4894 IB0A4897 IB0A4905 IB0A4906 IB0A4908 IB0A4910 IB0A4911 IB0A4912 IB0A4913 IB0A4914 IB0A4928 IB0A4941 IB0A4943 IB0A4945 IB0A4952 IB0A4953 IB0A4955 IB0A4956 IB0A4970 IB0A4975 IB0A4976 IB0A4978 IB0A4979 IB0A4987 IB0A4989 IB0A4990 IB0A4998 IB0A5007 IB0A5019 IB0A5021 IB0A5022 IB0A5027 IB0A5028 IB0A5031 IB0A5035 IB0A5052 IB0A5062 IB0A5063 IB0A5065 IB0A5066 IB0A5069 IB0A5070 IB0A5078 IB0A5085 IB0A5099 IB0A5100 IB0A5107 IB0A5110 IB0A5111 IB0A5135 IB0A5138 IB0A5139 IB0A5144 IB0A5145 IB0A5147 IB0A5148 IB0A5149 IB0A5163 IB0A5167 IB0A5168 IB0A5169 IB0A5170 IB0A5171 IB0A5172 IB0A5173 IB0A5175 IB0A5176 IB0A5180 IB0A5181 IB0A5183 IB0A5184 IB0A5185 IB0A5186 IB0A5188 IB0A5189 IB0A5190 IB0A5192 IB0A5193 IB0A5194 IB0A5198 IB0A5225 IB0A5226 IB0A5233 IB0A5241

IB0A5256

 

 

Sawir Qaade Ilyaas

Previous Post

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Agaasimaha Guud ee Boostada iyo Isgaarsiinta oo booqdey machadka Isgaarsiinta Afrika, Nairobi.SAWIRO

Next Post
Agaasimaha Guud ee Boostada iyo Isgaarsiinta oo booqdey machadka Isgaarsiinta Afrika, Nairobi.SAWIRO

Agaasimaha Guud ee Boostada iyo Isgaarsiinta oo booqdey machadka Isgaarsiinta Afrika, Nairobi.SAWIRO

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

June 5, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In