Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomay kursiga xubinnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 24, 2023
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomay kursiga xubinnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Urur Dalladda Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan.

Madaxweynaha ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada dalladan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

“Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna. Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalalka Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada dalladdan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga qaaradda.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo si rasmi ah u furay daah-furka Farta Maayga “SAWIRRO”

Next Post

Soomaaliya oo mar kale ka soo muuqaneysa saaxadda Caalamka (WARBIXIN)

Next Post
Soomaaliya oo mar kale ka soo muuqaneysa saaxadda Caalamka (WARBIXIN)

Soomaaliya oo mar kale ka soo muuqaneysa saaxadda Caalamka (WARBIXIN)

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In