Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ilhaan Cumar Villa Somalia ku qaabilay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ilhaan Cumar Villa Somalia ku qaabilay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha J.F ee Soomaaliya Md: Xasan Sheekh Max’uud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo ka mid noqotay golaha wakiillada Xisbiga Dimoquraadiga dalka Mareykanka.
Ilhaan Cumar waa gabar Soomaaliyeed oo ka tirsan golaha Wakiilada Xisbiga Dimuqoraadiga dalka Mareykanka ee laga soo doorto gobolka Minnesota.

booqasho ayeey dalkeeda ku  timid, waxa ay soo booqatay Villa Soomaaliya, si ay madaxweynaha dalka kula kulanto iyadoo uu wehliyey Seygeeda, waxaa soo dhoweeyey agaasimaha Hab-maamuuska madaxtooyada Soomaaliya, C/raxmaan Osmaan.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Madaxweynaha ayeey dhowr daqiiqad ku sugeyn halkii loo diyaariyey in ay kula kulmaan, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa mar kale Ilhaan Cumar oo ah Sanotor Xisbiga Dimuqoraadiga Mareykanka matasha ku soo dhoweeyey dalkeeda.

Madaxweynaha, ayaa uga mahadceliyey booqashada ay dalka ku timid, sidoo kale waxa uu ugu hambalyeeyey guulihii ay ka soo gaartay doorashooyinkii ay ka qeyb-gashay ugu dambeynna ay ku guuleystay Kursigii ay u tartameysay.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in dalka ay ka socdaan doorashooyinkii Qaran oo gabo-gabo ku dhow, sidaa darteedna ay bulshada xog wareysi la yeelato si ay u ogaato dedaalka dowladdu sameysay, iyadoo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed oo dhan afartii sanno ee la soo dhaafey.

Dhan kale Senator Ilhaan Cumar, ayaa farxad iyo reyn Reyn ku tilmaamtay kulanka ay madaxweyne Xasan Sheekh la yeelatay iyo sida loo soo dhoweeyey, waxa ay uga mahadceliyey dedaalka iyo guusha dowladda dalka gaarsiiyey ee ah in doorashooyin ay ka qabsoommaan, si gaar ahna haweenku loo siiyey qoondo  30%, taasina ay Soomaaliya uga horreyso dalal uu Mareykanku ka mid yahay.

Ilhaan ayaa ka soo guuleysatay Phyllis Kahn oo ah haweeeneydii Xisbiga Dimuquraadiga u mataleysay Golaha Wakiilada ee Gobalka iyo Maxamuud Nuur oo ah Soomali isna tartanka ku jiray.ilhaanilhaan1ilhaan3

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb-galay xuska 73-aad ee Booliiska Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi ka socda Wasaaradda Ganacsiga oo shir caalami ah ka qeyb-galay(SAWIRRO)

Next Post
Wafdi ka socda Wasaaradda Ganacsiga oo shir caalami ah ka qeyb-galay(SAWIRRO)

Wafdi ka socda Wasaaradda Ganacsiga oo shir caalami ah ka qeyb-galay(SAWIRRO)

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In