Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ilhaan Cumar Villa Somalia ku qaabilay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ilhaan Cumar Villa Somalia ku qaabilay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha J.F ee Soomaaliya Md: Xasan Sheekh Max’uud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo ka mid noqotay golaha wakiillada Xisbiga Dimoquraadiga dalka Mareykanka.
Ilhaan Cumar waa gabar Soomaaliyeed oo ka tirsan golaha Wakiilada Xisbiga Dimuqoraadiga dalka Mareykanka ee laga soo doorto gobolka Minnesota.

booqasho ayeey dalkeeda ku  timid, waxa ay soo booqatay Villa Soomaaliya, si ay madaxweynaha dalka kula kulanto iyadoo uu wehliyey Seygeeda, waxaa soo dhoweeyey agaasimaha Hab-maamuuska madaxtooyada Soomaaliya, C/raxmaan Osmaan.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Madaxweynaha ayeey dhowr daqiiqad ku sugeyn halkii loo diyaariyey in ay kula kulmaan, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa mar kale Ilhaan Cumar oo ah Sanotor Xisbiga Dimuqoraadiga Mareykanka matasha ku soo dhoweeyey dalkeeda.

Madaxweynaha, ayaa uga mahadceliyey booqashada ay dalka ku timid, sidoo kale waxa uu ugu hambalyeeyey guulihii ay ka soo gaartay doorashooyinkii ay ka qeyb-gashay ugu dambeynna ay ku guuleystay Kursigii ay u tartameysay.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in dalka ay ka socdaan doorashooyinkii Qaran oo gabo-gabo ku dhow, sidaa darteedna ay bulshada xog wareysi la yeelato si ay u ogaato dedaalka dowladdu sameysay, iyadoo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed oo dhan afartii sanno ee la soo dhaafey.

Dhan kale Senator Ilhaan Cumar, ayaa farxad iyo reyn Reyn ku tilmaamtay kulanka ay madaxweyne Xasan Sheekh la yeelatay iyo sida loo soo dhoweeyey, waxa ay uga mahadceliyey dedaalka iyo guusha dowladda dalka gaarsiiyey ee ah in doorashooyin ay ka qabsoommaan, si gaar ahna haweenku loo siiyey qoondo  30%, taasina ay Soomaaliya uga horreyso dalal uu Mareykanku ka mid yahay.

Ilhaan ayaa ka soo guuleysatay Phyllis Kahn oo ah haweeeneydii Xisbiga Dimuquraadiga u mataleysay Golaha Wakiilada ee Gobalka iyo Maxamuud Nuur oo ah Soomali isna tartanka ku jiray.ilhaanilhaan1ilhaan3

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb-galay xuska 73-aad ee Booliiska Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi ka socda Wasaaradda Ganacsiga oo shir caalami ah ka qeyb-galay(SAWIRRO)

Next Post
Wafdi ka socda Wasaaradda Ganacsiga oo shir caalami ah ka qeyb-galay(SAWIRRO)

Wafdi ka socda Wasaaradda Ganacsiga oo shir caalami ah ka qeyb-galay(SAWIRRO)

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In