Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo la kulmay qeybaha bulshada Jigjiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo la kulmay qeybaha bulshada Jigjiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo weli ku guda jira booqasho uu ku joogo magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia, ayaa xarunta madaxtooyada ee maamulkaasi kula hadley odayaasha dhaqanka, hawlwadeenada iyo shaqaalaha rayidka ee degaanka.

Madaxweynaha oo uu wehliyay Madaxweynaha Dowlada Degaanka Soomaalida Ethiopia, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ka muuqda degaanka, isagoo intaa ku darey inuu aaminsan yahoo in guulaha la gaarey ay sabab u tahay wadashaqeynta iyo isku duubnida shacabka iyo Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Waxaa uu Madaxweynaha xusay in horumarka gobolka Geeska Afrika uu ku xiran yahay hadba sida looga shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida, haddii labadaas la helana ay jiri karto rajo horumar dhan kasta ah lagu gaari karo.

“Soomaaliya waxay horumar la taaban karo ka sameysay dhinaca amniga. Waxaa dalka lagu qabanayaa doorashooyin. Ciidammada Midowga Afrika oo Ethiopia ay ka mid tahay ayaana gacan weyn naga siiyay inaan xasiloonida dalka ka shaqeyno. Waxaa labada dal ka go’an inay burburiyaan shabakadaha argagixisada ee nolosha u diiddan dadyowgeena. Waxaan shacabka ka dooneynaa inay nagu taageeraan halganka aan ugu jirno inaan gobolkan uga dhigno mid la tartama caalamka intiisa kale’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shucuubta labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia ay dhinacyo badan iska kaashan karaan, loona baahan yahay in la dedejiyo barnaamijyada suuragelinaya iskaashi dhaqaale oo dadyowga gobolka oo dhan ay ka faa’iideysan karaan.

Odayaasha dhaqanka oo iyaguna halkaasi hadalo ka jeediyay ayaa ku ammaanaye Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan dib u dhiska Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha booqday Jaamacadda magaalada Jigjiga oo ay dhigtaan arday tiradoodu gaareyso 21,000 oo. Jaamacaddan ayaa sidoo kale leh kulliyad takhasus Afka-Soomaaliga ah.

Goobaha kale ee uu Madaxweynahu booqday waxaa ka mid ah goobaha ganacsiga , iyo isagoo socod ku marey qeybo ka mid ah magaalada Jigjiga.

Previous Post

Shir looga hadlayay dhiirigelinta ganacsiga haweenka oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Next Post

Madaxweynaha Koofur Gabeed oo Baydhabo ka dhagax dhigay Jaamacad Cusub

Next Post
Madaxweynaha maamulka K/galbeed oo magacaabay qeyb kale oo wasiirro ah

Madaxweynaha Koofur Gabeed oo Baydhabo ka dhagax dhigay Jaamacad Cusub

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In