Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo la kulmay qeybaha bulshada Jigjiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo la kulmay qeybaha bulshada Jigjiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo weli ku guda jira booqasho uu ku joogo magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia, ayaa xarunta madaxtooyada ee maamulkaasi kula hadley odayaasha dhaqanka, hawlwadeenada iyo shaqaalaha rayidka ee degaanka.

Madaxweynaha oo uu wehliyay Madaxweynaha Dowlada Degaanka Soomaalida Ethiopia, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ka muuqda degaanka, isagoo intaa ku darey inuu aaminsan yahoo in guulaha la gaarey ay sabab u tahay wadashaqeynta iyo isku duubnida shacabka iyo Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia.

Related posts

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐š ๐จ๐จ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐๐๐š ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐—๐ƒ๐’.

January 29, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

January 29, 2026

Waxaa uu Madaxweynaha xusay in horumarka gobolka Geeska Afrika uu ku xiran yahay hadba sida looga shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida, haddii labadaas la helana ay jiri karto rajo horumar dhan kasta ah lagu gaari karo.

โ€œSoomaaliya waxay horumar la taaban karo ka sameysay dhinaca amniga. Waxaa dalka lagu qabanayaa doorashooyin. Ciidammada Midowga Afrika oo Ethiopia ay ka mid tahay ayaana gacan weyn naga siiyay inaan xasiloonida dalka ka shaqeyno. Waxaa labada dal ka goโ€™an inay burburiyaan shabakadaha argagixisada ee nolosha u diiddan dadyowgeena. Waxaan shacabka ka dooneynaa inay nagu taageeraan halganka aan ugu jirno inaan gobolkan uga dhigno mid la tartama caalamka intiisa kaleโ€™โ€™, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shucuubta labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia ay dhinacyo badan iska kaashan karaan, loona baahan yahay in la dedejiyo barnaamijyada suuragelinaya iskaashi dhaqaale oo dadyowga gobolka oo dhan ay ka faaโ€™iideysan karaan.

Odayaasha dhaqanka oo iyaguna halkaasi hadalo ka jeediyay ayaa ku ammaanaye Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan dib u dhiska Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha booqday Jaamacadda magaalada Jigjiga oo ay dhigtaan arday tiradoodu gaareyso 21,000 oo. Jaamacaddan ayaa sidoo kale leh kulliyad takhasus Afka-Soomaaliga ah.

Goobaha kale ee uu Madaxweynahu booqday waxaa ka mid ah goobaha ganacsiga , iyo isagoo socod ku marey qeybo ka mid ah magaalada Jigjiga.

Previous Post

Shir looga hadlayay dhiirigelinta ganacsiga haweenka oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Next Post

Madaxweynaha Koofur Gabeed oo Baydhabo ka dhagax dhigay Jaamacad Cusub

Next Post
Madaxweynaha maamulka K/galbeed oo magacaabay qeyb kale oo wasiirro ah

Madaxweynaha Koofur Gabeed oo Baydhabo ka dhagax dhigay Jaamacad Cusub

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐š ๐จ๐จ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐๐๐š ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐—๐ƒ๐’.

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐š ๐จ๐จ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐๐๐š ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐—๐ƒ๐’.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: โ€” Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

January 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Shirka...

Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

January 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Riyadh heshiis iskaashi kula saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga,...

Danab oo burburiyay Keydka Miinooyin oo Khawaariijtu ku lahaayeen Shabeellada Dhexe.

Danab oo burburiyay Keydka Miinooyin oo Khawaariijtu ku lahaayeen Shabeellada Dhexe.

January 29, 2026
0

Ururka 161-aad ee Kumaandooska Danab, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ku guuleystay inuu gacanta ku dhigo keyd miinooyin ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In