Tuesday, August 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay gumeysiga maanta ee Argagixisada iyo dowlad dhiska Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay gumeysiga maanta ee Argagixisada iyo dowlad dhiska Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo garoonka Muqdisho ee Kubadda Cagta kagala qeyb-galay kumannaan shacab ah, xuska sannad-guurada 63-aad ee xornimada iyo midnimada dalka ayaa ka hadlay xaaladda dalka, sooyaalka dadka Soomaaliyeed ee la dagaallanka gumeysiga iyo hiigsigooda ku aaddan dhismaha qaran ka tilmaaman gobolka iyo qaaradda.

Gumeysigii laga xoroobay iyo kan maanta;

Related posts

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

August 3, 2026
Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

August 3, 2026

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay maanta garowsan yihiin in argagixisada ku soo duushay dalka ay yihiin gumeysi xanuun badan oo cuuryaamiyey nolashooda, xasuuqay dadkii ay jeclaayeen, kana been abuurtay diinteenna suubban, isagoo soo bandhigay rajadiisa ku aaddan in wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah argagixisada lagaga sifeyn doono taako kasta oo ka mid ah dalka.

“Dhaqaale kuuma ogola. Xorriyad kuuma ogola, in aad cibaadeysato kuuma ogola. Masaajiddii ayey duminayaan, culimadii dadka diinta bareysay ayey dilayaan, haldoorka bulshada ayey dilayaan. Waa nimanka shalay qaraxa ku burburiyey Masaajidkii Daaru-nimca. Nimanka noocaas ah bal maxay noo reebteen”.

Soomaaliya ku filan amnigeeda;  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu bishaareeyey shacabka Soomaaliyeed in goobihii ugu horreeyey ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kala wareegeen Ciidamada Walaalaha Afrika ee dhowr iyo tobonka sano ilaalinayey amniga dalkeenna, taas oo muujinaysa in Soomaaliya ay gaarayso dhammaadka sannadka soo socda isku filaansho dhanka amniga iyo xaqiijinta nabadda.

Federaaleynta iyo La dagaallanka musuqmaasuqa  

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isku tashiga dowladda iyo shacabka ay aas-aas u tahay horumarka uu ku tallaabsanayo dalkeennu, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyadoo dowladda dhexe ay mudnaan siineyso horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka musuqmaasuqa, adkeynta amniga, dhammeystirka dastuurka iyo xoojinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Doorka dadka Soomaaliland ee xornimada iyo midnimada

Madaxweynaha ayaa adkeeyey doorka taariikhiga ah ee dadka Soomaaliland ay ka qaateen xornimada iyo midnimada dalka, isagoo muujiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaarka ugu tahay in la xalliyo tabashadii ay qabaan.

Madaxwyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey magaalooyinka dalka gaar ahaan  Laascaanood sida maamuuska leh ee looga xusay maalinta xornimada iyo midnimada ee 1-da Luulyo.

Munaasabaddan lagu xusayay 63 guurada ka soo wareegtay markii Gobollada Koonfureed ay xorninada ka qaateen gumeystaha Ingiriiska iyo israacii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka,  Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Saraakiisha Ciidanka Xooga dalka iyo kumanaan shacab ah ayaa ka lagu qabtay Tuulada Isboortiga Soomaaliyeed.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post

Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta oo isu soo dhiibay Dowlad Gobolleedka Puntland

Next Post
Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta oo isu soo dhiibay Dowlad Gobolleedka Puntland

Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta oo isu soo dhiibay Dowlad Gobolleedka Puntland

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

August 3, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Dan-Qaran, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay...

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

August 3, 2026
0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

August 3, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xarunta...

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

August 3, 2026
0

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Dardar-gelinta iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC), oo uu daah furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In