Friday, February 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Caleemo Saarka Madaxweyne William Ruto

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Caleemo Saarka Madaxweyne William Ruto
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nayroobi kaga qeyb galay Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga diblomaasiyadeed,  dhaqaale, ganacsi iyo bulsho oo ay yeeshaan dalalka dariska, si loo adkaado dhibaatooyinka saboolnimada, cunna yarida, faqriga, colaadaha, caqabadaha ka dhashay isbedelka cimillada ee saameeyey shucuubta Gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Related posts

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 20, 2026
Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

February 19, 2026

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah wafuud heer Caalami ah oo ka qeyb-gelay xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda aan dariska nahay ee Kenya Mudane William Samoei Ruto.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey munaasabaddan wafdi ay ka mid yihiin, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Cali Doodishe, Wasiirka Wasaaradda Gamacsiga iyo Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aways Jaamac, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.

Previous Post

Wasiirka warfaafinta oo faah-faahin ka bixiyay safarka madaxweynaha

Next Post

Wasiirka Qorshyenta Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Furay Shirka Wadatashiga Qaranka.

Next Post
Wasiirka Qorshyenta Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Furay Shirka Wadatashiga Qaranka.

Wasiirka Qorshyenta Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Furay Shirka Wadatashiga Qaranka.

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 20, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan miro-dhal ah la...

Wasiirka  Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In