Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Furitaanka Shir-Madaxeedka Jaamacadda Carabta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Furitaanka Shir-Madaxeedka Jaamacadda Carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay furitaanka meertada 31-aad ee Shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Aljeris ee dalka Aljeeriya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa  shirkan ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo dhibaatooyinka arggagixisadu ay ku hayso nabadda, horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya iyo sidoo kale guulaha dawladda iyo shacabka oo wadajira ay ka xaqiijiyeen dagaalka dalka looga ciribtirayo khawaarijta.

Related posts

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Aljeeriya waxa uu kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka Carabta, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeybgalay meertadan.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinaya shirkan, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamed Nuur, Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna Wakiilka Soomaaliya ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas sheekh Cabdulqaadir iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya mudane Danjire C/wahaab Macallim Maxamed.

 

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Oo Kulan Mira Dhal Ah La Qaatay Dhiggiisa Dalka Suudaan

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xoghayaha guud ee Q.M kala hadlay la dagaalanka argagixisada iyo gargaarka bani’aadannimada

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xoghayaha guud ee Q.M kala hadlay la dagaalanka argagixisada iyo gargaarka bani’aadannimada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xoghayaha guud ee Q.M kala hadlay la dagaalanka argagixisada iyo gargaarka bani’aadannimada

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
0

Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Buulo-Xaaji ee...

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ...

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

January 14, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde), oo ay wehliyaan Wasiirada...

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

January 14, 2026
0

Waxaa magaalada Moqdisho ku soo gabagaboobay, Shirka Ka-Jawaabista Abaaraha iyo Amni-Darrada Cuntada dalka kadib dood iyo xog is-weydaarsi miro-dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In