Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Munaasabad Uu Ku Maamuusay Madaxweynaha Puntland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Munaasabad Uu Ku Maamuusay Madaxweynaha Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ku sugan magaalada Garoowe ayaa ka qeyb galay casho sharaf uu ku maamuusay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, iyadoo ay ka qeyb galeen, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ahna Guddoomiye Kuxigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Wasiirro iyo Xildhibaanno heer Dowlad-goboleed ah.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa kulammo miro-dhal ah la qaatay Saddaxdii maalmood ee la soo dhaafay, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan, waxa ayna lafa gureen duruufaha ku xeeran dalkeenna, xoojinta wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mudnaanta siinaya latashiyada bulshada Puntland, gaar ahaan waxgaradka, isimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo culimada, si uu u dhageysto talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada.

Kulankan maamuuska ah waxaa Madaxweynaha ku weheliyey, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Lataliyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha, Federaalka Mudane Axmed Cabbaas Axmed, Dastuurka Mudane Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dib u heshiisiinta Mudane Cali Cabdi Awaare iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka Oo Qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta Ee Soomaaliya

Next Post

Soomaaliya iyo Japan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal+Sawirro

Next Post
Soomaaliya iyo Japan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal+Sawirro

Soomaaliya iyo Japan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In