Wednesday, September 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Munaasabad Uu Ku Maamuusay Madaxweynaha Puntland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Munaasabad Uu Ku Maamuusay Madaxweynaha Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ku sugan magaalada Garoowe ayaa ka qeyb galay casho sharaf uu ku maamuusay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, iyadoo ay ka qeyb galeen, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ahna Guddoomiye Kuxigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Wasiirro iyo Xildhibaanno heer Dowlad-goboleed ah.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa kulammo miro-dhal ah la qaatay Saddaxdii maalmood ee la soo dhaafay, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan, waxa ayna lafa gureen duruufaha ku xeeran dalkeenna, xoojinta wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mudnaanta siinaya latashiyada bulshada Puntland, gaar ahaan waxgaradka, isimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo culimada, si uu u dhageysto talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada.

Kulankan maamuuska ah waxaa Madaxweynaha ku weheliyey, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Lataliyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha, Federaalka Mudane Axmed Cabbaas Axmed, Dastuurka Mudane Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dib u heshiisiinta Mudane Cali Cabdi Awaare iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka Oo Qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta Ee Soomaaliya

Next Post

Soomaaliya iyo Japan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal+Sawirro

Next Post
Soomaaliya iyo Japan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal+Sawirro

Soomaaliya iyo Japan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal+Sawirro

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026
0

Munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweyn diirran loogu sameeyay Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

September 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaaan Wasiirada Gargaarka iyo Haweenka Koonfur Galbeed, ayaa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In