Monday, January 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay qalinjebinta dufcadda 22-aad ee Jaamacadda Ummadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay qalinjebinta dufcadda 22-aad ee Jaamacadda Ummadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabadda qalinjabinta dufcadda 22-aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ka hadlay mudnaanta ay dowladdu siinayso tayaynta Waxbarashada dalka iyo muhiimadda bixinta canshuuruhu u leeyihiin horumarinta adeegyada bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay dadaalkii dowladda Soomaaliyeed u gashay dib u furidda Jaamacadda Soomaaliyeed oo la hirgaliyay sanadkii 2014 ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso horumarinta iyo kor u qaadidda Waxbarashada dalka.

Related posts

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026

β€œWaxbarashada dalkeennu waxa ay soo martay duruufo kala duwan, waxaana maanta joognaa in intaan oo arday ah ay ka qalinjabiyaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo daliil u ah in haddii la wada dadaalo oo gacmaha la is-qabsado aynu gaari karno natiijo tan ka sii weyn. Waa in muwaadiniintu si hufan bixiyaan canshuuraha qaranku ku leeyahay”.

Madaxweynaha ayaa ammaanay Hormuudka iyo Bareyaasha Jaamacadda Ummadda oo ku soo shaqeeyay duruufo adag, isla markaana ka miradhaliyey hiigsigii dib u soo nooleynta Jaamacadda iyo barbaarinta jiilka msutaqbalka, wuxuuna ardayda qalinjabisay kula dardaarmay in ay dhexda u xirtaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen horumarka dalkooda, aqoontoodana ay ugu adeegi lahaayeen shacabkooda.

Ardayda maanta ka qalinjabisay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ah dufcaddii 22-aad ee ka baxda Jaamacadda ayaa tiro ahaan gaarayey 1,535 Arday, kuwaasi oo dhammaystay kulliyadaha kala duwan ee heerka koowaad iyo heerka labaad ee taqasuska sare.

 

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Danjireyaal dhawaan ay meel mariyeen Golaha Wasiirrada

Next Post

Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir-guddoomiyay kulanka labada Aqal ee BJFS

Next Post
Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir-guddoomiyay kulanka labada Aqal ee BJFS

Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir-guddoomiyay kulanka labada Aqal ee BJFS

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
0

Xaaladda abaarta ah ee dalkeena ka jirta ayaa galaafatay xoolihii ay bulshada dhaqaneysay, waxaana tusaale kuugu filan Neefka sawirka ka...

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026
0

Dhammaan Masuuliyiinta iyo Howlwadeenada Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 π‡πšπ£π’...

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

January 18, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaasha ku sugan magaalada Laascaanood , oo ka mid...

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

Ministry of Foreign Affairs Extends Condolences on the Passing of Ambassador Cabdinuur Dabaqe

January 18, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia extends its deepest condolences on the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In