Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Danjireyaal dhawaan ay meel mariyeen Golaha Wasiirrada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Danjireyaal dhawaan ay meel mariyeen Golaha Wasiirrada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ku saabsan diblomaasiyadda oo soconayey muddo saddex toddobaad ah u soo xiray toban Danjire oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay danjireyaasha cusub in iyaga oo khibraddooda adeegsanaya ay wax weyn ka beddelaan muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana ay dalkeenna u abuuraan saaxiibbo wanaagsan oo siyaasadeed.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Waxaan u baahannahay in siyaasaddeennu ay ku saleysnaato Soomaali Dunida Heshiis la ah oo danteeda ka shaqeynaysa, lehna siyaasad deggan oo ku saleysan caqli iyo cilmi, waana taas sababta keentay in aan diblumaasiyadda u xulano dad ruug caddaa ah oo leh khibrad”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey Safiirrada tababarka loo soo xiray.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo shahaadooyin guddoonsiiyey danjireyaasha ayaa ku bogaadiyey Machadka Diblomaasiyadda iyo Tababarka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, kaalinta uu ka qaato kor u qaadidda aqoonta diblomaasiyiinta Soomaaliyeed.

Previous Post

R/W Xamsa oo xarunta Wasaaradda Qorsheynta ka sameeyey howlo isugu jira daah-fur, xarig-jar iyo dhagaxdhig

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay qalinjebinta dufcadda 22-aad ee Jaamacadda Ummadda

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay qalinjebinta dufcadda 22-aad ee Jaamacadda Ummadda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay qalinjebinta dufcadda 22-aad ee Jaamacadda Ummadda

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In