Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ay ka baxday, Alle ha u naxariistee, Luul Jeylaani Cali oo ka mid ahayd hobolada Qaranka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Marxuumadda in ay ahayd hobol Soomaaliyeed oo kaalin ku leheyd fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, iyadoo mudadii ay ku guda jirtay hal-abuurka iyo suugaanta ay dadaal ku bixisay dhiirrigelinta wadaniyadda, nabadda iyo midnimada ummadda.
Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey Marxuumad Luul Jeylaani in uu hooygeeda ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo bahda Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ee ay ka tirsanayd.