Monday, August 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xerada Hiil-weyne oo lagu diraaiyay ciidamo ka tirsan Xoogga dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xerada Hiil-weyne oo lagu diraaiyay ciidamo ka tirsan Xoogga dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta kormeer ku tagay xerada Hiil-weyne oo ku taala inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad, halkaasi oo ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo dhawaan tababar kusoo qaatay dalka Yugaandha.

Ciidamadan oo ah Millatariga sida Booliska u tababaran (Military-police) ayaa loogu tala-galay in ka qayb qaataan sugidda amniga magaalada Muqdisho, kana hortagaan falalka gurracan ee Khawaarijtu ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoomiye Sacdiyo oo kormeertay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiye Sacdiyo oo kormeertay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

August 9, 2026
Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

August 9, 2026

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay si feejignaan, hubin, kala-dambayn iyo turid shacab leh u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna tusaale u noqdaan ciidamada kale ee ay kala dhaxeyso shaqada ilaalinta nabad-galyada  dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciidamada, mas’uuliyaddooda koowaadna ay ka dhigtaan ilaalinta badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibbaneyaasha u ah dhagarta kooxaha Khawaarijta ah.

Kormeerkan waxaa ku wehlinayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Wasiirka Gaashaandhigga, Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo khadka taleeefonka kula hadlay dhigiisa dalka Seerbiya

Next Post

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo madaxda Hindiya kala hadlay kordhinta deeqaha Waxbarasho

Next Post
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo madaxda Hindiya kala hadlay kordhinta deeqaha Waxbarasho

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo madaxda Hindiya kala hadlay kordhinta deeqaha Waxbarasho

Guddoomiye Sacdiyo oo kormeertay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiye Sacdiyo oo kormeertay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

August 9, 2026
0

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo...

Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

August 9, 2026
0

Maamulka Warbaahinta Qaranka ayaa abaalmarin lacageed guddoonsiiyay tartamayaasha degmooyinkii kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad ka galay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

August 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan...

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

August 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho ka socota xaflad si rasmi ah loogu shaacinayo, natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In