Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan deg-deg ah la yeesheen Golaha Wasiirrada

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan deg-deg ah la yeesheen Golaha Wasiirrada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeeshay kulan deg-deg ah oo looga hadlayey saameynta ka dhalatay roobabka wata daadadka xooggan ee ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.

Shirka oo uu guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa Madaxweynaha warbixin ku saabsan gurmadka socda ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo sheegay in xukuumaddu ay guddi heer qaran ah u saartay wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay El-nino.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweynaha oo kulanka ka hadlay, ayaa ku ammaanay xukuumadda dadaalka ay gelisay samatabixinta dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka iyo daadadka, isaga oo ku boorriyay xubnaha guddiga in ay labo jibbaaraan dadaalkooda. Waxaana uu ku baaqay in dadka looga digo inay ka fogaadaan goobaha qatarta ah, sida meelaha godan iyo goobaha biyo mareennada ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo kulankan aan caadiga ahayn ka qaybgalay ayaa wuxuu Golaha Warbixin ka siiyay saameynta roobabku ku yeesheen gobolka Banaadir iyo dadaalka la xiriira arrintan ee uu wado maamulka Gobolka.

Sidoo kale, kulanka golaha ayaa lagu meelmariyey Xeer-nidaamiyaha Nidaamka Xaqiijinta Macaamilaadka Maaliyadeed iyo Hubinta Tayada Isgaarsiinta, kaas oo looga golleeyahay in lagu maamulo dhammaan arrimaha la xiriira la-socodka iyo kor-joogteynta macaamilaadka iyo tayada adeegyada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Previous Post

Wasiirka Haweenka Soomaaaliya oo Addis Ababa kaga qaybgashay Shirka Arrimaha Haweenka Afrika

Next Post

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo booqday Warshadda Cabitaanada Cocacola ee Muqdisho 

Next Post
Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo booqday Warshadda Cabitaanada Cocacola ee Muqdisho 

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo booqday Warshadda Cabitaanada Cocacola ee Muqdisho 

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In