Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo kulan Gaar ah La Qaatay Labada Aqal Ee Baarlamaanka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
October 30, 2024
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo kulan Gaar ah La Qaatay Labada Aqal Ee Baarlamaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa kulan casho sharaf ah la qaatay Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo gudbiyey codsi ku saabsan kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga Baarlamaanka.

Munaasabadda caawa waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo kuxigeennadiisa, iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada; Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye; Koonfur-galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed; iyo Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey Madaxda Dowlad-goboleedyada ka qayb-galay Madasha Wadatashiga Qaranka, taasoo lagaga arrinsanayo aayaha iyo horumarka dalkeenna, gaar ahaan dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada gacanta argagixisada ku jira, adkaynta amniga, dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, iyo xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee doorashada hoggaankooda.

“Walaalaheen naga aragtida duwan waa la hadlaynaa; haddii ay noo ogolaadaan waan u tagayaa, haddii kalena way noo imaanayaan. Wadajir iyo midnimo ayaan rabaa. Maanta dadkeenna waxaa u furan fursad weyn oo ay ku gaari karaan rajadooda, waxaana si wadajir ah uga shaqeynaynaa adkaynta amniga dalka, dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyo xaqiijinta Soomaaliyada ay inaga sugayaan shacabkeennu”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay doorka muhiimka ah ee ay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qaateen muddadii la soo dhaafay, iyagoo dhexda u xirtay qabyo-tirka dastuurka, difaaca iyo adkeynta midnimada dalka, waxa uuna adkeeyey rajada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan horumarinta dowladnimada.









Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo sheegay in xiriir soo jireen ah uu ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Shiinaha

Next Post

Hay’adda SoDMA Oo Shixnad Gargaar Ah U Dirtay Dagmada Diinsoor Ee Gobalka Baay

Next Post
Hay’adda SoDMA Oo Shixnad Gargaar Ah U Dirtay Dagmada Diinsoor Ee Gobalka Baay

Hay’adda SoDMA Oo Shixnad Gargaar Ah U Dirtay Dagmada Diinsoor Ee Gobalka Baay

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In