Wednesday, August 17, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan dalka Isu-tagga Imaaraadka

June 23, 2022
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan dalka Isu-tagga Imaaraadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isaga oo la wadaagay dadaalka ay Dowladda Soomaaliya galineyso xoojinta xiriirka Imaaraadka, taas oo ka dulqaadaysa caqabadaha iyo tabashooyinka ay qabaan.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed uga xog warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha, horumarinta bangiyada, maalgashiga dalka, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah.

Related posts

Kuuriyada Koonfureed oo ku eedeeysay Kuuriyada Waqooyi inay ku soo ridday Gantaallo

Kuuriyada Koonfureed oo ku eedeeysay Kuuriyada Waqooyi inay ku soo ridday Gantaallo

August 17, 2022
Ciidamada Xoogga oo howlgallo ay ka sameyeen Shabeelaha hoose ku dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga oo howlgallo ay ka sameyeen Shabeelaha hoose ku dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

August 17, 2022

“Kulanka aan la qaatay Madaxweynaha waxyaabaha ugu horreeyey ee aan kala hadlay waxa ay ahaayeen fududeynta sharciyada, dal ku galka iyo guud ahaan isu-socdka muwaadiniinta, isla markiiba Madaxweynaha Imaaraadka waxa uu amray in Safaaraddooda magaalada Muqdisho ay dadka Soomaaliyeed si toos ah uga soo qaataan fiisaha. Sidoo kale, dhammaan caqabadaha kale ee jira waxaan isku raacnay in la xalliyo oo guddiyo farsamo ay ka shaqeeyaan fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, bangiyada, maalgashiga iyo sharciyada” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga war-bixiyeen xaaladda bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyaga oo sheegay xiriirka labada dal ee xumaaday sanadihii la soo dhaafay in uu saameyn weyn oo dhaqaale ku yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed, waxa ayna uga mahadceliyeen Madaxweynaha  mudnaanta uu siinayo hagaajinta xiriirka muhiimka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xubnaha Jaalliyadda kula dardaarmay xoojinta midnimadooda iyo in ay is-caawiyaan, isla markaana ay si wanaagsan kula noolaadaan shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka.

Previous Post

Wasiirka Beeraha oo Qaabilay Madaxa IGAD u qaabilsan ilaalinta Deegaanka

Next Post

Ergeyga Gaarka ah ee arrimaha gurmadka abaaraha oo kulan la yeeshay madaxa save the children UK

Next Post
Ergeyga Gaarka ah ee arrimaha gurmadka abaaraha oo kulan la yeeshay madaxa save the children UK

Ergeyga Gaarka ah ee arrimaha gurmadka abaaraha oo kulan la yeeshay madaxa save the children UK

Kuuriyada Koonfureed oo ku eedeeysay Kuuriyada Waqooyi inay ku soo ridday Gantaallo

Kuuriyada Koonfureed oo ku eedeeysay Kuuriyada Waqooyi inay ku soo ridday Gantaallo

August 17, 2022
0

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap, Kuuriyada Waqooyi ayaa subaxnimadii hore ee maanta laba Gantaal oo nooca...

Ciidamada Xoogga oo howlgallo ay ka sameyeen Shabeelaha hoose ku dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga oo howlgallo ay ka sameyeen Shabeelaha hoose ku dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

August 17, 2022
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheeysan oo ay fuliyeen Gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan Tuulada Kili-Jiido oo hoostagta degaanka...

Maamulka Gobolka Hiiraan oo xal ka gaaray dilal ka dhacay duleedka Matabaan

Maamulka Gobolka Hiiraan oo xal ka gaaray dilal ka dhacay duleedka Matabaan

August 17, 2022
0

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay wehlinayeen Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ayaa gaaray degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Kenya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Kenya

August 17, 2022
0

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In