Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka telefoonka kula hadlay Dhaxal-sugaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwayt Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax oo ay ka wadahadleen xaaladaha Gobolka.
Madaxweynaha ayaa muujiyey garab-istaagga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan hoggaanka iyo shacabka Kuwayt, kuwaas oo weerarro iyo xadgudub kala kulmay dowladda Iiraan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in ballaarinta colaadda ay halis weyn ku tahay nabadda iyo amniga gobolka, waxa uuna ku baaqay in la dardar-geliyo dadaallada wadajirka ah iyo iskaashiga heer Carbeed ee ku aaddan xiisadaha taagan.










