Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Agaasinka Guud ee Madaxtooyada Qaranka, kuwaasi oo Madaxweynaha u sooย bandhigey waxqabadka halkii sano ee la soo dhaafay oo ka soo bilaabaneysa xiligii u Madaxweynaha xafiiska la wareegay May 2022.
Warbixinta ayaa ku aadaneyd, guud ahaan Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kan xafiiska Madaxweynaha, qorshaha istaraatiijiyadda 2023-2026 iyo qorshaha horumarinta Madaxtooyada JFS.