Saturday, September 23, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka Raadiyahaa

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa Masar.‏

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 1, 2015
in Wararka Raadiyahaa
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa Masar.‏
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

xasan-iyo-sisi-4

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dalka Masar, Abdel Fattah el-Sisi, ayaa maanta kulan ku yeeshay qasriga Madaxtooyada Masar ee magaalada Qaahira.

Related posts

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

March 12, 2022
Warka Subaxnimo

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

March 10, 2022

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuu Madaxweynaha dalka Masar uga warbixiyay xaaladaha siyaasadda, amiga, bulshada iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Wuxuu Dowladda iyo Shacabka Masar uga mahadceliyay sida ay Soomaaliya isu garab taageen xilliyadii adkaa. Wuxuu yiri Madaxweynuhu “si weyn ayaan ugu xisaabtameynaa Masarta cusub ee uu hoggaamiyaha u yahay Madaxweyne Sisi in ay kaalin weyn ka qaadato dadaalka dib u dhiska Soomaaliya.”

Labada Madaxweyne waxay si buuxda isugu af garteen in ay iska kaashadaan dhinacyada waxbarashada, beeraha, tababbarka ciidammada, dhaqaalaha, dhaqanka iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynaha dalka Masar, Abdel Fattah el-Sisi wuxuu ku dhawaaqay in la
dhisi doono guddi laba geesood ah oo howshiisu ay tahay isku dubba ridka
iskaashiga labada dal. Dowladda Masar waxay kulankaasi ku aqbashay casuumad uu Madaxweynaha Soomaaliya u fidiyay Ra’iisal Wasaaraha Masar in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ka sokow, kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada dalka Masar, waxaa ka qeyb galay Ra’iisal Wasaaraha dalka Masar, Ibrahim Mahlab, iyo Wasiirro labada dal kala matalaya.

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Imaamka Guud ee Azhar

Next Post

Madaxweynaha oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Jamaacadda Carabta.

Next Post
Somalia President speech

Madaxweynaha oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Jamaacadda Carabta.

Kulan fogaan arag ah oo looga hadlay u diyaar garowga iyo ka jawaabidda khatar ka imaan karta El Niño

Kulan fogaan arag ah oo looga hadlay u diyaar garowga iyo ka jawaabidda khatar ka imaan karta El Niño

September 21, 2023
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Maanta qabatay kulan degdeg ah oo fogaan arag ah, oo looga arinsanayay u...

R/W Xamsa oo kulan doceed kula yeeshay xarunta QM Agaasimaha Maamulka Bankiga Adduunka

R/W Xamsa oo kulan doceed kula yeeshay xarunta QM Agaasimaha Maamulka Bankiga Adduunka

September 21, 2023
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamsa Cabdi Barre ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay Agaasimaha Maamulka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoonka Labada Aqal kulan wada jir ah kula qaatay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoonka Labada Aqal kulan wada jir ah kula qaatay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

September 21, 2023
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan wadajir ah kula qaatay magaalada Dhuusamareeb, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, mudane...

Wasiirka Maaliyadda XFS “Soomaaliya waxa ay ka gudubtay sharuudihii laga rabay ee hannaanka Deyn-cafinta”

Wasiirka Maaliyadda XFS “Soomaaliya waxa ay ka gudubtay sharuudihii laga rabay ee hannaanka Deyn-cafinta”

September 21, 2023
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo xiray shirka hannaanka dib-u-eegista 6-aad ee Barnaamijka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In