Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka Raadiyahaa

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa Masar.‏

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka Raadiyahaa
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa Masar.‏
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

xasan-iyo-sisi-4

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dalka Masar, Abdel Fattah el-Sisi, ayaa maanta kulan ku yeeshay qasriga Madaxtooyada Masar ee magaalada Qaahira.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

April 12, 2025
Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

April 12, 2025

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuu Madaxweynaha dalka Masar uga warbixiyay xaaladaha siyaasadda, amiga, bulshada iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Wuxuu Dowladda iyo Shacabka Masar uga mahadceliyay sida ay Soomaaliya isu garab taageen xilliyadii adkaa. Wuxuu yiri Madaxweynuhu “si weyn ayaan ugu xisaabtameynaa Masarta cusub ee uu hoggaamiyaha u yahay Madaxweyne Sisi in ay kaalin weyn ka qaadato dadaalka dib u dhiska Soomaaliya.”

Labada Madaxweyne waxay si buuxda isugu af garteen in ay iska kaashadaan dhinacyada waxbarashada, beeraha, tababbarka ciidammada, dhaqaalaha, dhaqanka iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynaha dalka Masar, Abdel Fattah el-Sisi wuxuu ku dhawaaqay in la
dhisi doono guddi laba geesood ah oo howshiisu ay tahay isku dubba ridka
iskaashiga labada dal. Dowladda Masar waxay kulankaasi ku aqbashay casuumad uu Madaxweynaha Soomaaliya u fidiyay Ra’iisal Wasaaraha Masar in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ka sokow, kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada dalka Masar, waxaa ka qeyb galay Ra’iisal Wasaaraha dalka Masar, Ibrahim Mahlab, iyo Wasiirro labada dal kala matalaya.

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Imaamka Guud ee Azhar

Next Post

Madaxweynaha oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Jamaacadda Carabta.

Next Post
Somalia President speech

Madaxweynaha oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Jamaacadda Carabta.

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In