Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wadahadallo miro dhal ah la yeeshay dhiggiisa Kenya

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wadahadallo miro dhal ah la yeeshay dhiggiisa Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Madaxtooyada dalkaas ku yeeshay kulan miro dhal ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iyo mustaqbalka iskaashiga labada shacab ee Soomaaliya iyo Kenya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay qodobbo xoojinaya iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal, iyagoo isla gartay heshiis meesha ka saaraya caqabadaha dhanka socdaalka ee ka dhashay madmadowgii ku jiray xiirirka labada dal, waxaana muwaadiniinta Soomaaliyeed ay fursad gaar ah u heleyaan fududeynta dal ku-galka Kenya, iyadoo la soo celiyey duulimaadyada shirkadda Kenya Airways oo si joogta ah u imaandoonta dalka.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Uhuru ayaa isla qaatay xoojinta iskaashiga ganacsi ee labada dal, iyadoo ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad u heleyaan in ay dalkaas u dhoofiyaan waxsoosaarka kalluunka dalkeenna, waxaana la furayaa soohdinta Soomaaliya iyo Kenya, taas oo qeyb ka ah fududeynta dhaqdhaqaaqa badeecadaha iyo adeegyada ee labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa wada jir u go’aamiyey In Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) Soomaaliya iyo Kenya ay ku kulmi doonaan Muqdisho bisha Ogoosto ee sanadkan, si loo qaabeeyo iskaashiga hawlaha amniga, horumarinta beeraha, ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada, tababarada iyo xal u helista dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo RW hore ee dalka oo kulan sagootin ah la qaatay Imaamka masjidka barakeysan

Next Post

Sii hayaha Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalalka Zambia iyo Gambia

Next Post
Sii hayaha Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalalka Zambia iyo Gambia

Sii hayaha Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalalka Zambia iyo Gambia

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In