Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Mareykanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dowladda Maraykanku u soo magacowday Soomaaliya Mudane Richard H. Riley.

Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo wax wada qabsiga labada dowladood.

Related posts

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

March 19, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Richard H. Riley mas’uuliyaddiisa cusub, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael E. Langley, ayaa kala hadlay xoojinta iskaashiga amniga, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada iyo xasilloonida gobolka.

Previous Post

Imtaxaanka fasalka 12-aad ee dugsiyada sare oo lagu waddo in u ka furmo Laascaanood

Next Post

Danjire Jabriil oo kulan qado u sameeyay wafdi uu hoggaaminayo Cabdullaahi Abshirow

Next Post
Danjire Jabriil oo kulan qado u sameeyay wafdi uu hoggaaminayo Cabdullaahi Abshirow

Danjire Jabriil oo kulan qado u sameeyay wafdi uu hoggaaminayo Cabdullaahi Abshirow

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

March 19, 2026
0

Waxa aan hambalyo ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga la wadaagayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Islaamka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

March 19, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ugu tegay cutubyo ka tirsan ciidamada oo ku sugan...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In