Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaan lee yahay ma jirto cid guuleysatay iyo cid laga guuleystay”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 6 Disember 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay go’aankii maanta gaaray Baarlmaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa marka hore u mahad-celiyey dhammaan Xildhibaanada Baarlmaanka “Waxaan rabaa in aan u mahad celiyo dhammaan Xildhibaanada kuwa haa ku codeyey, kuwa maya ku codeyey iyo kuwa ka aamusayba, waxaan kale oo ku ammaanayaa ogolaanshaha ay ogolaadeen xeerka u degsan iyo sida ay ugu dhaqmeenba, Waxaan lee yahay ma jirto cid guuleysatay iyo cid laga guuleystay” ayuu yiri Madaxweynaha.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh iyo guud ahaan xubnaha Golaha Wasiirrada oo muujiyay dadaal muddadii ay xilka hayeen, ayaga oo ku shaqeynayay marxalad adag. Wuxuuna hey’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba ka codsaday in la siiyo xushmadda ay mudan yihiin.

Madaxweynaha wuxuu soo dhaweeyay sida ay awooda ugu yeehseen hayadaha dowliga in ay xaliyaan xaaladda siyaasadeed ee soo wajahay dalka iyadoo aanan dibadda laga soo faragelin. Madaxwaynuhu wuxuu ku amray hayadaha aminga in ay foojignaan dheeraad ah la yimaadaan, kana hortagaan cadowga umadda.

Madaxweynuhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed u ballanqaaday in aan habac soo geli doonin habsami u socodka howlaha baaxadda leh ee Qaranka oo ay ka mid yihiin la dagaallanka Shabaab iyo xagjirnimada iyo sugidda amniga, wuxuuna si gaar ah u tilmaamay in howlaha leh mudnaanta koowaad oo ay ka mid yihiin dib u eegidda iyo Hirgelinta Dastuurka, dhammaystirka dhaqangelinta nidaamka Federaalka iyo doorashada 2016 oo dhammaantood ka mid ah Hiigsiga 2016 ay ku qabsoomi doonaan xilligii loogu tala galay.

Si taas loo xaqiijiyana, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu ballan qaaday in la tashi ka dib uu sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurta galka ah ku soo magacaabi doono Ra’iisal Wasaare hanan kara howsha hortaalla Dowladda si loog dhabeeyo himilada Shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Previous Post

Guddiyada goob shaqo iyo anshaxa oo tababar uga furmay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

R.W Cabdiweli oo aqbalay go’aanka Golaha Baarlamaanka

Next Post

R.W Cabdiweli oo aqbalay go'aanka Golaha Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In